Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Siyaasi Indheergarad ah (Qaybtii 68aad)Qore : Maxamed Xoosh

0
Saturday April 20, 2019 - 19:57:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Siyaasi Indheergarad ah (Qaybtii 68aad)Qore : Maxamed Xoosh

    Wadooyinka badan ee looga baxo Dib udhaca waxaa ka mid Laba sifo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadooyinka badan ee looga baxo Dib udhaca waxaa ka mid Laba sifo

oo hadii laga hello dal kasta horumar uu gaadhi karo

Siyaasi caqlibadan oo Indheergarad ah :



Dalalka Dawladaha dib u dhacay waxaa horumariya ama dib u rida waa Hogaan fogaan-arag ah oo ay ka go,antahay in uu kala talaabsado dalkaa uu hogaaminaayo JAHLIGA iyo Baahida iyo Kala danbayn la,aanta ka jirta, Waa sidan sifooyinka Hogaamiyaha loo baahan yahay


1-Aqoon badan u leh nolosha waxbadan ka akhriyay qaybaha nolosha oo dhan "Joogtana u daalacda wixii cusub” ugu yaraan dhawr kun oo buug


2- Aqoon dheeraad ah u leh DIINTA Islaamka ah Uga aqoon roon Wadaadada ama la aqoon ah


3-Dhaqanka iyo Suugaanta dadkaasi leeyahay waxbadan ka yaqaan


4- Wax badan ka og Cudurada Bulshada ka dhex dhasha "Sociologists”


5-Waa inuu noqdaa guurti iyo Oday dhaqameed ah


6-Waa inuu hantiile yahay ama ka soo jeedaa qoys hanti la,aan jiray "Ina Cigaal”


7-Waa inuu Hibo u leeyahay talada iyo weliba Sida dadka loogu taliyo


8-Hadii laga helo ,Daacadnimo, Deeqsinimo,Balan Oofin, Naxariis, Dad ururin, Dad Aqoon …… Waa sifooyin fiican oo hogaamiyaha u wanaagsan Hadiise la waayo dhibaato ma jirto sifooyinkaa kaligood dal laguma taliyo


Sifada labaad ee dal ku horumarkaraa ama dhibta kaga bixi karaa waa

Shacab Wacyi Siyaasi ah leh "Garaad Siyaasi ah”


Waxa si fiican u tilmaamay shacabka garaadkiisu hooseeyo Abwaan Hadraawi

"INTUU MAANKU GAAJEYSAN YAHAY GUULI WAA WELI”


Tusaale waxa inoo ah Maalmaha Doorashada ayaad dareemaysaa bulshada garaadkeeda siyaasiga ah halka uu gaadhsiisan yahay iyo waxa uu Musharax hebel ugu codaynaayo su,aasha wuu I XIGAA.

Bilaahi Tawfiiq

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...