Odaygii Taiwan Diidanaa!

0
Wednesday September 09, 2020 - 10:07:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odaygii Taiwan Diidanaa!

    W/Q: Ilyaas Cabdi Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali

Goor duhur ah oo aan xafiiska ka baxay ayaan iskoyska Xero-awr ka qaaday oday Khamiis cad, gadh cad iyo timo waaweyn ayuu lahaa, nin waxbartayna waa iila muuqday.

 

Mahadnaq kaddib waxaa uu bilaabay sheeko ku saabsaneyd arrimaha dibada Somaliland iyo xaaladaha adduunka ee is bedelaya. China iyo Taiwan maxaan ku kala dooranay ayuu i weydiiyay dhalinyaradiinan ayaa hadda adduunka la socotee?

 

Waxaan ugu jawaabo ayaan waayay maaddaama aanan aqoon u laheyn umuuraha dibada. Waa la iiga aqoon fiicanyahay ayaan kaga falceliyay weydiintiisii.

 

Wuxuu igu yidhi " Adeer maanta maalin aynu ka fursad fiicanahay oo adduunku inooga soo jeeday inama soo marin lixdan sano oo aan Hargeysa iyo Muqdisho u dhaxeeyay, waa markii u horeysay ee meel walba la inaga soo hadal qaado, quwadaha adduunku inoogu soo jeesteen in la inala saaxiibo, runtii fursadaha aan helnay sanadkii u dambeeyay waligeen ina soo mari maayaan, Taiwan in xidhiidh lala sameeyo way fiicneyd laakiin waxay ahayd in dan ka dambeyso oo wadankan inta badan inaga sii jeeday ee China lagu xodxoto, markii China diiday xidhiidhkeena iyo ka Taiwan weftigii uu inoo diray waxay ahayd uun in waxay inaga codsadeen wax aynu ku bedelan karno oo kaabayaasha bulshada ah, dhaqaale amma taageero aan hor dhigno si wadankan yar ee inala midka ah dhanka aqoonsi la'aanta uga gudubno oo quwad adduunka ka mid ah la saaxiibno, runtii waa fursad aan luminay, malaha cilmigan hadda la idin barayo ayaa dhigaya kuwa yaryar soo dhaweysta. Adeer kolayba China marka uu ina yidhi xidhiidhka Taiwan joojiya wax la'aan inoogumuu iman ee ad adayg ayaa ina seejiyay fursadan qaaliga ahayd. Aqoonsi ka quuso taas aniga iga qor maanta, oo Taiwan oo adduunku wada ogolyahay Maraykana la socdo ayay Vito Power kaga horjoogaan qaramada midoobaya inay kursi ka helaan, inaga oo aan waxba ahayn beri haddii go'itaankeena la geeyo UN saw cadowgii aan sameysanay inama hortaagna, waxaa soo socda ayaa laga fikiraa ee mustaqbalkaaga hor istaagaya. Waa niyad jabay markii la doortay Taiwan, China la godobsaday, adduunka isaga ayaa maanta haysta China waxeena oo dhan ganacsato iyo waxaynu hanti leenahay isagaynu ka keenay maxaan cadow ugu aragnay?. Waa duni nin aan talin jirin talinayaa ee haddii aan gaadhi waayo maalinta aynu go'aankaasi qoomamayn doono maanta iga qor" halkaas markuu marayo Itoobiya Masar ayuu galay "maxaa Masar inoo keenay? Itoobiya nolosheena ayaa ku xidhan, jabhado ayay inaga dhex sameyn karaan oo gudahooda ka dagaalami kara, nin ay is hayaan maxaa xeebaheena loo keenay oo milatari niman ah badaha loo geynayaa? Saw ina go'doomin maayaan?

 

Odaygii marka uu halkaas marayo ayaan dhigay Timo-weynta agteeda. Xaqiiq ayuu ka hadlayay iyo mustaqbalka dhow waxaan la mahadin doonin ee soo socda.

 

Sawirka hoose waa Mohamed Haji safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan iyo wasiirka arrimaha dibada Taiwan Dr Joseph. Safiirka ayaan kasoo qaatay twitterkiisa.

 

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali

Hargeysa Somaliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...