Kheyre Oo Diiday Dalab Kaga Yimid Cali Mahdi Oo Quseeya Shirka Beesha Hawiye

0
Tuesday September 08, 2020 - 10:24:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 3147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre Oo Diiday Dalab Kaga Yimid Cali Mahdi Oo Quseeya Shirka Beesha Hawiye

    Sida xogta ku helnay, kulanka Beesha Hawiye ayaa diirada lagu saari doona xaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida xogta ku helnay, kulanka Beesha Hawiye ayaa diirada lagu saari doona xaaladda


Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa iska diiday Casuumaad kaga timid dhanka Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo qaban-qaabinayey shirka Beesha Hawiye oo ka dhacaya Muqdisho.


Qaar ka mid ah khudbadihii ugu hadal haynta badnaa ee Xasan Cali Kheyre - BBC News Somali


Dadka qaar ayaa diidmada Kheyre ku sifeeyey in uusan heysan wax waji ah oo kala dhexeeya kuna hortagi karo siyaasiyiinta HAWIYE.


 

Xasan Cali Kheyre oo xilka looga qaaday eed kaga timid Villa Somalia ayaa laga dalbaday inuu ka soo qeyb galo shirka Beesha Hawiye oo qaban qaabadiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho, ka horse uu kulan hordhac ah la qaato Cali Mahdi oo hormuud u ah Beeshaasi.


 

Sida xogta ku helnay, kulanka Beesha Hawiye ayaa diirada lagu saari doona xaaladda dalka marxaladda kala guurka ah iyo arrimaha doorashooyinka iyo sida ay saameyn wanaagsan ugu yeelan lahayd.


Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo tan iyo xilka qaadistiisii 45-cisho ka soo wareegatay lagu arkin saaxada siyaasadda ayaa wada qorshe siyaasadeed u gaar ah oo ku wajahayo doorashada soo socoto, waxaana wararka qaar oo aan heleyno ay sheegayaan inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya 2020/21.

Loading...
Loading...