Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ku wajahan Baydhabo

0
Tuesday September 08, 2020 - 09:36:29 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ku wajahan Baydhabo

    Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa ka socota diyaar garoow ballaaaran oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa ka socota diyaar garoow ballaaaran oo

Waare oo Qoor Qoor ugu tagay Dhuusamareeb iyo Shir Xasaasi ah . - YouTube


Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa ku wajahan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Ujeedka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Madaxda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in shirkaas looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Doorashada 2020/2021 iyo Arrimo kalen oo Madaxda ay qorsheeyeen, uuna shirkaas furmi doono maalmaha soo socda.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa ka socota diyaar garoow ballaaaran oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug oo saacadaha soo socda tegaya halkaas, iyadoona amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

 

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula soo kulmay Madax kala duwan.

 

Si kastaba Shirka gaarka ah ee ka dhacaya Baydhabo ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo ku dhexmari doono Muqdisho ay kasoo qeyb galaan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ka maqan, si heshiis rasmi ah looga gaaro Doorashada 2020/2021.


Loading...
Loading...