Shir Nabadeed Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Sool Uga Furmay Beelo Deegaankaa Wada deggen

0
Monday September 07, 2020 - 19:07:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Nabadeed Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Sool Uga Furmay Beelo Deegaankaa Wada deggen

    Shir Nabadeed Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Gobolka Sool Uga Furmay Beelo Deegaankaa Wada deggen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Nabadeed Deegaanka Adhi-cadeeye Ee Gobolka Sool Uga Furmay Beelo Deegaankaa Wada deggen

Hargeisa(HWN):-Waxaa magaalada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ka furmay shir nabadeed lagu heshiisiinayo laba beelood oo ay colaadi dhexmartay.



Goobta shirku ka dhacay ayaa amaankeeda aad loo sugay iyadoo Ciiddammada Milateriga iyo Booliiska Somaliland ay qayb ka qaadanayeen, taas oo loo aanaynayo xiisad colaadeed oo degaankaasi ka dhacday.


Ka sokow labada ergo ee xiisada colaadeed ka dhexayso waxaa maanta munaasibada wada-hadallada ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socota Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Dibeda, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciiddanka Badda, Masuuliyiin heer gobol iyo degmo, Culimo, Aqoonyahan, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasibada furitaanka oo dadkii ka hadlay ay u badnaayeen ujeedadoodu dardaaran walow ay jireen qaar hadalo adag u soo jeediyey labada dhinac.

Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka socda ayaa balan qaaday in ay wixii go’aan ah ee ay soo saaraan fulinteeda ay iyagu masuul ka yihiin, gudiyadana looga baahan yahay in ay go’aan bulshada dan u ah ka soo saaraan shirka.

Colaada dhowaan ka dhacday degaanada Jidbaale iyo Boocda ayaa waxaa daba yaal xalinta dhacdooyin qaarkood 30 sano ku dhow yihiin.

Si kastaba ha ahaatee xal ka gaadhista colaada labadan beelood ayaa waxay saamayn ku yeelanayaan degaano badan oo ku baahsan illaa sadex gobol oo labadan beelood ay wada degeen.

Loading...
Loading...