Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Musuq Maasuqay Lacagtii Covid-19

0
Monday September 07, 2020 - 16:32:30 in News by
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Musuq Maasuqay Lacagtii Covid-19

    Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Musuq Maasuqay Lacagtii Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Musuq Maasuqay Lacagtii Covid-19

Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay.
Midowga Africa oo Tedros Adhanom ka difaacay weerarka Trump



Waxaa laga cabsi qabaa in dalal badan oo kale ay soo ifbaxaan sida ay sheegayan baaritaanka iyo macluumaad dheeri ah oo soo ifbaxaya.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la simay musuqmaasuqa qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil.

"Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xiriira qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan qatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil, ”Dr Ghebreyesus ayaa yiri.

Hay’adda caafimaadka adduunka waxay sheegtay kiisaska ilaa iyo hadda la ogaaday xatooyadooda iyo leexsiga lacagta gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ay kor u dhaaftay balaayiin doollar.
Loading...
Loading...