Axmed Madoobe Oo Afka Furtay, Shaaciyayna Inuu Iska Ilaalinayo Dowlada Somalia

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ka sheegay in mudo hal sano ah iska ilaalinayay Dowladda Federaalka iyo cida kale ay soo dirsato si aan loo soo xirin ka dib doorashadii muranka badan dhalisay ee sanad ka hor ka dhacday magalaada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dagaal adag oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu la galay Dowladda Federaalka iyo dalal kale oo shisheeye oo DF ka gacan siinayay in isaga la soo xiro.
Hadalkan ayuu labo maalin ka hor ka sheegay xarunta golaha Aqalka sare oo uu Khudbad ka jeediyay, madaxweynaha ayaa Muqdisho u jooga shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020/21.
Villa Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii Axmed Madoobe Xabsiga u dhigi lahayd ka dib doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday Kismaayo, inkastoo dadaalkaas uusan mira dhalin.
Dhanka kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa baaq ku aadan aqalka sare u diray madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas uu qudbo kaga jeediyay kana hadlay arrimo badan oo khuseeya marxaladda wadanka uu marayo.
Xildhibaanada aqalka sare ayaa Axmed Madoobe u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan hor imaan golaha aqalka Sare, wuxuuna u diray baaq ah inuu hor yimaado golaha.


0 





