Mahadnaq Aan U Dirayo Suxufi Ruug Cadaaga Ah Ee Faysal Viva Weriyaha Somcable Tv Ee Hargeysa

0
Sunday September 06, 2020 - 16:24:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahadnaq Aan U Dirayo Suxufi Ruug Cadaaga Ah Ee Faysal Viva Weriyaha Somcable Tv Ee Hargeysa

    Dahir Mohammed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dahir Mohammed Jama

BISMILAH WAA ERAY HADAL LAGU BILAABAA

BAAXADDIISU WEYNTAHAY BURJIGIISU ADAGYAHAY

BOQORKEENA WEYN IYO BAXSANOW RASUULKII (SCW)

YAA INOO BAYAANSHO WAXAAN LAGU BILAANINE

BAKHTI BAY NOQDAANO BARAKADA KA SIIBAN

AFARTAA BAYAANSHAY AAN IDIIN BILAABO

BUD DHIGEEDA SHEEKADA ..

BERYAHAA KUMAAN BAHDA WARARKA TEBISA

NIN USOO BANDHIGA BAAHIDA DADWEYNAHA

DADSE HADDII UU BARATAMO MID UUN BAA KASOO BAXA

BILADANA LA SIIYAA BULSHADUNA KU FARAXDAA

VIVA WADA YIDHAAHDAAN BILAASH MAGACU KUUGUMUU BIXIN

WAA BAAWAR AAD DHEERTAHAY BAHWEYNTA SAXAAFADDA

MAXAAD BUURO FUUSHAY U BADHEEDHAY DOOXYO

BAABUURTA DAAYO BANI AADAM MARI KARIN

MAXAAD BULSHO DAACDARAYSAN BAAHIDOODA TEBISAY

MAXAAD U BOQOOSHAY BARI IYO GALBEED IYO

BADHTAMAHA WOQOOYI BILICDA DHULKEENA

U BANDHIGTAY BULSHADA KA DHOOHAN

ALLOW BELADA KAA HAY KU BAAL MARI SHARKOO IDIL

BARTII AAD ISTAAGTABA  KU BADHAADH WALAALOW .

 

Intaasu waa araar iyo erayo kooban aaN ugu mahadnaqyey weriyiahaa geesiga ah ee dadkiisa iyo dalkiisaba jecel  goor walbana taga dhul aanu weriye kale ka dabbaasheen, qofka aan dadka u mahad naqini Allena uma mahadnaqo .. waxaanse la yaabanahay sida aanay dadku wax ugu qaadanayn ama aanay u danaynayn  marka uu Faysal usoo bandhigo  baahiyaha degaanadooda . Waxaad ka soo qaadda safarkiisi gacan libax iyo inta ku hareeraysan oo runtii aan aad u qiirooday markaan arkay dayaca iyo wada xumida dadkaas haysata ee cid wax u qabatayna aanay jirin wixii dawlado ina soo maray.

 

waxaanse la yaabanahay reeraha jiidaa degaa waa reero aad ugu badan qurbaha yurub, America iyo carabahaba ..

carabka haddaan ku dhufto waa Musa cabdalle iyo Isaxaaq gaar ahaan qaasim ..Hayn aduunyo waa reeraha somaliland ugu ladan oo hadday iskaashadaan samaysn kara wadada Jarato ee dib udhigtay horumarkoodii .

Nin baa laga hayaa wax yar oo la jimbaacayn karo ayaa jees u baab'ay ..xikamad kalaa tidhaahda haddi guriga dumay gadiis  u dhis aanad odhan walee cidi geed kuuma waabto ..

Ma waxay garan waayeen reeraha facaweyni in ay u tashadaan sida hablaha gaaroodi la baxay ee degaanadood ka shaqeeya .

Waxaan hadal ku soo jaray waar haloo kaco degaanka oo hala tashado markaad u jeesataan waa khasab inaad caawimo ka helaysan  meelo aydinaan filayn waayo qofkii wax qabsada wax loogu daraa ..

 

WA BILLAHI TAWFIIQ ..

DAHIR MOHAMMED JAMA

S/A

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...