GODADKA DAYAXA EE DUMARKA

0
Sunday September 06, 2020 - 11:03:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GODADKA DAYAXA EE DUMARKA

    tiriyo bisha Samalaho ee Dabshidku idibisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

tiriyo bisha Samalaho ee Dabshidku idibisho.




Habeen dhalad haddii aad maqashay waa sidan; 365-ta caano-maal ee sannadka dayaxu habeenka kasta waxa uu fariistaa rug ka duwan middii hore.

 

Godadka dayaxa waxaa loo yaqaannaa Manaasil tiradooduna waa 28 god, god kasta dayaxu waxa uu fadhiyaa 13 caano-maal, sidaas waxa ay ku noqonayaan 364 habeen. Waxaa tirada buuxiya habeenka sannadka kala bara ee loo yaqaanno Mahrajaanka waana habeen 183-aad marka laga soo tiriyo bisha Samalaho ee Dabshidku idibisho.

 

Hadda ba gododka 28-ka ah waxaa ka mid ah 4 god oo Soomaalidu aamminsan tahay gabadhii dhalatay in ay tahay caano-lagu-shub (mid il ayaan leh). Waa godadka 18 - 21 ee Manaasisha, waxaa na la kala dhahaa; Libcas, Xoorrey, Mareega-dheer iyo Maran.

 

Godka Libcas gabadhii dhalata waxa la aamminsan yahay in ay noqoto mid ayaan dhalad ah, oo raggu isku laayaan quruxna aynigeed ka foostay. Waxa ay leedahay magac gaar oo muujinaya qaabka la isugu qabsado guurkeeda ka dibna uu sababo dagaallo lagu lafi jabo magacaas oo ah TAFODHIIG. Waa gabar geel, gammaan iyo lo'ba laga bixiyo. Waa middii la lahaa;

 

Mar hadday geyaan tahay

N**skeedu gumuc yahay

Ragguu wada gabraartaan

Dhiig galangalceeyiyo

Lagu jaro gashaantimo

Gabar gaar noqotaye

Geel iyo gammaan iyo

Haddaan guuyo laga bixin

Miyaa guri la geeyaan?!

 

Gabadha dhalata godka Xoorrey waxaa lagu aynaasaa in ay tahay mid xerada ku soo kordhisa caano iyo nabad. Inta badan godkaan waa la jecel yahay waana sababta la Soomaalidu reerka arooska ah markay u ducaynayaan u dhahaan "Wiil iyi Nabad, Gabar iyo Caano".

 

Mareego-dheer waxaa dhalata qof magac dheer ninka guursadana badanaa la dhaho waa hebelkii heblaayo qabay! Reerkeeduna waa ku dhaataa dhaxal bayna u tahay lagu soo hirto. Qof sheeggan dadka aynigeeda ahna ka labootiday ayey noqotaa. Marka la guursado waxaa la raaciyaa ul u gaar ah, sababtuna waa in ay tahay qof u darban ilaalada nafteeda iyo xoolaheeda.

 

Madhan gabadha waxaa la aamminsan yahay in ay noqoto mid guumaysowda oo aan xeroba loo oodin, waa midda heerinka noqota marka la guursan waayo, waana tan la dayriyo xilliyada barbaarto haasaawaha u dhukurtaan. Haanta way ka caaggan tahay, dhallinta dabeecad gaar ah baa ka tuurtay! Habeenkaas haddii ay gabar dhalato reerka waxaa laga saaraa neef joogaa ah, waxaa na loo qalaa dadka socotadaa ah, waxaana neefkaas loo yaqaannaa CUNSUR-GUURIS, waa hab shar eris ah, alle tuugna ah, in gabadhaas ilaahay binadeeda hagaajiyo.

WQ: Abdurrahman Jama Odinga




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...