GOROYO/ WQ: Abdurrahman Jama Odinga

0
Sunday September 06, 2020 - 10:54:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOROYO/ WQ: Abdurrahman Jama Odinga

    GOROYO/ WQ: Abdurrahman Jama Odinga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOROYO/ WQ: Abdurrahman Jama Odinga

 



Gorayada keeda lab waxaa la yiraahdaa Haldhaa, tan dheddigna Goraya-cawl, Booso ama Hal-dhurre intaasba waa iyada, goroya-cawsha ugxanta ay halka mar dhasho waxaa la yiraahdaa fil waxaana ku jirta xabad hal-garac (hal-wacal) la yiraahdo, ugxantaasi marka ay dillaacdo ee ilmo yaryar noqotana waxaa loo yaqaan wiriile ama wirinle hadba kaad u taqaan, wiriiluhu marka uu yara korona waxaa la yiraahdaa raan-yar.

Gorayadu waa mida shimbiro ugu wayn uguna cajaa'ibsan, oo waxaa la yiraahdaa waxa ay daba martaa roobka oo marka uu curtaba horay uga orodaa illeen eebbaa xawaare aan caadi ahayn ku galladaye. Gorayadu waxa ay ka mid tahay ugaarta loogu jecel yahay inta la ugaarso waxaana laga helaa hilib iyo subag.

Hal-dhaagu waa mid guuxa ama ciga uga eg awrka aan doobta ridin oo looguba yeero gulaal ama goray-ciil, haldhaagu waa gooni u socod oo badi kali buu daaqaa, dugaagna kuma soo dhaco cunid iska daaye.

Waxaan lagu ducaystaa 'illaahoow suulkii gorayoo gaabtay hanaga dhigin' oo looga jeedo allaw aanaan gargar gabin, gorayadu meesha kaliya ee ay isku difaacdaa waa afkeeda iyo suulasheeda, haddii suulasha wax ka gaaraana difaac gabtay, waana sababta sidaas loogugu ducaysto "suulkii gorayoo gaabtay allaw hanaga dhigin".

Waxaan jira, tixo murti leh oo goroyada laga meershay, tan baa se ugu maqal dheer, waa hees carruureed, soo jireen ah;

Gorayada geel baa la moodaa

Waa runtaayoo waa la moodaa

Dudumaha daaraa la mooda

Waa runtaayoo waa la moodaa

Waxaa iyana jirta, hees kale oo dhaqan ah balse, dib ka noqotay murti halqabsi leh;

Goradu ilmaheeda,

Aroori bay dhigtaayoo

Aboodigu ku laayaa?!

Waa maxay aboodi, aroorina xaggee ka timid?




WQ: Abdurrahman Jama Odinga

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...