Nimaan Hadlan Hooyaddii Qadisay (Abdi-Shotaly).

0
Friday September 04, 2020 - 11:56:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nimaan Hadlan Hooyaddii Qadisay (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Waxa la yidhi " Rag iyo riyo aamusay labaduba reer-kooddii gabe" Waxan uga socdda, qofku haduu waxa tabanaayo ka maqan oo uu sheegan waayo isagu, ma jirto cidi kale oo xaqiisa u soo dhicinaysaa, haddii ay tahay xaqiraadda, takoorka, xaq-daradda, cadaalad la'aanta, gar-daradda, xuquuq-diisa dadnimo lagu hayo, hoos u dhiga lagu kacayo, ee ay ku hayaan qayrkii oo aan wax ay dhaamaan jirin, ee isla weyn madhan iyo kibir loogu diidaayo. Ma jirto beel-beel ka mudani ama qof-qof wax dheeri ama ka dhalasho wacani, ee waxa laga soo wadda abuurmay Aadam iyo Xaawa" Bal is waydiiye oo ma cid baa Aabbo iyo hooyo kale ka yimi oo aan ahayn labadda kor ku xusan. Sidaas awgeed cid kala sareysaa ma jirt, ee ha la joojiyo maskax xumidda uu wado askariga "Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxa waajib ah in uu qofku ilaashado sharaf-tiisa iyo jiritaan-kiisa, oo u dagaalamo siddii uu isaga celin lahaa kuwa ku xad gudbaayaa, xuquuq-diisa dadnimo ee uu leeyahay, dariiq-na uu iska mariyo kuwa kuwa kala saraynta iyo adoonsiga, aan sharci diineed iyo mid bani'aadam midkood-na banaynayn, ee uu jeebka kala soo baxay mid dan gaar ah ku wataa.

 

Horaa loo yidhi " Nimaan hadalan hooyaddii qadisay" Waa dhab, waayo ma kala garanayso in uu baahan yahay in kale, ee sare ugu dhawaaqa xaqiina. Wuxu sharcigu kuu fasaxayaa, in waxad ku waydo wanaaga aad ku doonato qori caaraddii iyo xumaan iaa ad iska xorayso. Oo aad khasab ku soo dhacsato sinanta. Sankana aad kaga tosho kii kaa hor taagnaa, waayo ma jirto dariiqo kale oo aad ku helaysaa. Maadaama uu akhristaw xaalku halkaa marayo ma laha waan-waan,ee in aad wax iska celiso uun bay duruuftu ku faraysaa. Ujeedo iyo haatan, xalka keliya ee u banaan beelaha laga sad bursanaayo, sidda Gabooye iyo beelaha daraf-yadda ee ay ka mid yihiin Warsan-geli, dhulbahante, Samaroon iyo cid haddii kale ee ay khsayso-ba, waa in ay halgan weyn oo midaysan kaga soo hor jeestaan, isla weynta iyaku isku koobay maamulka. Dalka iyo khayraad-kiisa waa la wadda leeyahay, waa lagu wadda dhashay, ma jiro mid meel kale ka yimi, oo Illaahay si gaar ah ugu qorey in uu isagu keliggii leeyahay ama uu siiyey wax kuwa uu yasayaa aan la lahayn, ee rabbi isku si buu ugu wadda abuurey, waana loo siman yahay ee dalka cid gaar ah uma xidhna. Ma jirto qof loo abuurey in dal-kiisa uu ku gumaysto mid kale, kuna dul noolaado mid aan wax-ba dhèrayni oo ay wadda leeyihiin, aan keligay cuno, sidaan doonana ka yeelo acquul maha la yeli karo, ee sidaas ku qanac wax aan kuu ogo-lahay ma jirtee, aan idin waydiiyo'e xagee laga dheelaa ciyaar-taas ka socota " Xaafad-yadda"? Bal yaa daawadda ee ka mabsuudda? Ka hayaw noo tilmaan ha loo wadda joodee.

 

Waxan ku soo dabray qoraalkan, murtiddii ahayd " Habar iyo habeen-keed" oo micna-heedu yahay " Nin-ba hadafkii waa halkuu dhigo" oo la mid ah " lax waliba waa shilalkay is dhigto ayuun baa lagu qalaa" Hadaba hadaad tihiin Samaroon wax idiin hadhay oo aad ka sugtaan Somaliland ha eegina, mar haddii Madax-Dhaqmeed-kiinii iyo hal doorkii sidaas loogu furaayo hubkii ummadda ka dhexeeyey, oo aan xataa askarta meesha ka amar ku taag-laysaa, ogolayn in aad dad jira tihiin oo la siman. Gabooye waxan leetahay, waa in aad si joogto ah halgan is xoryn dhakhso ah ugu badheedhaan, ma jirto wax la yidgaaho " Aji iyo Sab" Mar haddii laga wadda yimi " Aadam iyo Xaawa"  dad-kani muslinimadu waa ka afka, haddii ay ka run tahay islaam-nimadu, may diideen wuxu quraanku yidhi, ee ah makh-luuqa bani-aadamku wuu siman yahay, oo waxa lagu kala sareeyaa oo qudha " Cibaadadda Eebbe" ee ma jirto wax ay dhalasho isku dhaamaan. Muslim baanu nahay oo diinta baanu ku dhaqanaa iyo muslin kale oo ila siman baan quudsanayaa isma raacaan. Ogaadda Oo kuwa leh waxa nala yidhaahaa " Aji" iyaka baan wax isu ogolayn, Waxan ku soo gaga-beeyey, Gabooyaw sidda aad xuquuq-diina u soo xero gelin lahaydeen u tashadda. Kuwani waa afka ka muslim hoosta ka gaallo ee ka kaca fadhi idiin ma yaalee.

* N.B. Nin-ba Hadafkii Waa Halkuu Dhigo!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...