Ka Teggida Salaaddu Waxay keentaa Ballan Eebe iyo Mid Rasuul Oo laga Baxo,

0
Friday September 04, 2020 - 11:43:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Teggida Salaaddu Waxay keentaa Ballan Eebe iyo Mid Rasuul Oo laga Baxo,

    W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Salaadu Waa Waxa ugu Horreeya Ee Laga Xisaabiyo Adoonka Maalinta Dambe Ee Qiyaame, Ma Bad-Baado Qofku illaa uu iyada Ooggo, Acmaasha Kale  Xisaabteedu  Waxay Ku Xidhabtahay Waa Salaadda:


Eebe Weyne, Rabbigii Sharafta lahaa Wuxu sheegay Oo cadeeyey Muhiimada Ballankii  Uu la galay Nebbi ibraahiim iyo Ismaaciil Eebe Raali haka ahaadee:

وعهدنا الي ابراهيم واسمعيل ان طهرا بيتي للطاءفين والعاكفين والركع السجود)


Siddaas ayaa Eebe kula Ballamay inay U Diyaariyaan Guriga Ilaahay, Iyagoo u Adeegaya Dadka Wareegaya, Dadka ku ictikaafaya, Kuwa Sukuudaya iyo Kuwa Rukuucaya Ee Salaad Sallaad ku sugaya.


Siddaa Awgeed Ayaa Eebe Ku yidhi Rasuulkiisa Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha Ahaatee: ( Ammar Ehelkaaga Salaada oo ku Samir,  Kuma Weydiin doono Irsiq, Annaga ayaa ku Irsaaqi doonna, Cidhibta Wanaagsan Waxa iska Leh Cidii Eebe ka Cabsoota).
وامر اهلك بالصلاه واصطبر عليها لا نسلك رزقا نحن نرزقك والعاقبه للتقوي)


Mar kale ayaa Eebe Weyne ummadiisa u Sheegayaa Tabihii ay ku badbaadi lahaayeen kaas oo ay Sallaadu ugu Horeyso wuxu yidhi:
ياءيها الدين اءمنوا اركعو واسجدو واعبدو ربكم وافعلو الخير لعلكم تفلحون .


Markale Ayaa Eebe Weyne inagu booriyey Muhiimada ay leedahay Ilaalinta  salaadu
حفطو على الصلوات والصلاه الوسطي وقومو لله قنتين


Markale ayaa illaahay u goodiyey Kuwa Gudashada Salaada ka dib-dhaca, Waxaanu Korkooda Saaray Goodi daran oo ah inay Geli doonaan Waaddi Naarta Jahano ku yaala Oo qayi la yidhaahdo Waxaanu yidhi:


فخلف من بعدهم خلف اضاعوالصلاه واتبعو الشهوات فسوف يلقون غيا

Siddaa ayaa Illaahay Ballan uga Qaaday Dadka Ballankaas Oo ah Salaada, Ballankii Ilaahayna  Waa ka baxay qofkii Salaada Dayacay.


Waxaan Kasoo Tarjumay Kitaabka الدين هوالصلاه
W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...