'' Kaftanka maanta , Codkii aad ku Rideen , Ma i=Idin Kaarinayaa'' .
Gabadhu ilayn waa gabadh curad soo guursadaye , gurigeeda mooyaane hawl kale looma diri jirin , xoolo raacista , dhaanka, rarista iyo shaqada oo dhan dumaashiyadeed baa qaban jirey.
Dhinaca kalena reer iska maal qabeen ayuu ahaaye , haanteeda caanahu kama madhan jirin , dhiisheeduna subagu kama engegi jirin .
waa iska xaal aduunyee , gabadhi markay muddo joogtay ayay duday , ka dibna waa lasoo celiyay , hadana way duday reerkiina waa loogu taag heli waayay .
markay joogsan wayday ayaa markii danbe ninkii ay kala socdeen , nin kalena ay ku guursatay waqooyi .
Ninka guursadayna wuxuu ahaa nin adhi badan , awrna aan lahayn , reerkana hadba kaynta adhigu daaqayo ayuu gurri uga oodi jirey .
Dhaanka markay noqoto , maadaama waqooyi dooxyo leeyahay beeyo lagga qoto , gabadha ayaa dusha kusoo qaadi jirtay haamaha , awrna reerkuba ma lahayn .
waqti waqtiyada ka mida ayaa reerkeedii horre oo waqooyi usoo guuray iyo reerkeedi danbe jaar noqdeen . maalin walbana waxaa la arki jirey iyadoo haan biyo ah dooxa kasoo dhaaminaysa oo dhabarka ku sidda .
Maalintii danbe ayay odaygeedii kaftameen , markaasuu isagoo ku ducaayadaynaya darxumada ka muuqata waxa uu yidhi ,
Nafsigay maku heerayoo ,
Riyana buur maku raacdayoo ,
Sidda awrta karbaash iyo ,
inta koodh laggu saaray ,
dhaankiyoo ku kadeeday ,
maku kaarinayaa .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!