Halkaa Kaarka La Jiifa, ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday September 03, 2020 - 16:15:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Halkaa Kaarka La Jiifa, ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly

Askari "Ku Qariyey-Qariyey Ee Gun Cad" baa oday laga hayaaye, Gari ma Kaa baxdaa? Adiga ma ku gashaa? isku heli-maysid, in goboladda qaarna been iyo kala qaybin lagu khawaysiiyo, darna hantididda ummadda lagu foorariyo,  oo in ay liqaan mooyeene hamba-ba miyey ka soo hadhaa. Meeye Reer Awdal? Waxa ka dhacaaya waad arag-taan, saw kuwan faraha ka baxay maalmihii ugu dambeeyey, markii dil lala beeg-sady Ugaas cabdirashiid oo rabay in uu u yimaado, ummadda uu madax-dhaqmeedka u yahay, illaahay baa kasabato saaray ee wax-ba maamulka askartu ulama ay hadhin "Ugaaska Awdal,  Waa sidee xaaladaha Sanaag, sool, togdheer, badhan oo iyana si toos iyo badheedh ah loo yidhi ha iska tagto oo Puntland la siiyey, Hooga iyo silica saameeyey dhamaan shicibkii, ee ay dariiq-yadda wadhan ihin yaa kaansuul ah? Ma dan baad ka leediin? Weliba sidaas baad ugu sacab garaacay-saan waalane " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Waxan halkan ku soo koobayaa, in yar oo aan saaka falkiyey, kuna sawiraayo halka xaalka uu ku sugun yahay, muwaadi-niintii reer Somaliland hadaad tihiin, taas oo ah qaataye-qaado, 99% dadkii caloosha suun bay ku kala jareen, si aanay u dareemin gaajadda, weliba sidda loogu sii jees-jeesaayo baa ka sii daran, lana leeyahay baga-baga, sababta oo ah waa intay u socdeen, ilayn way og-tahay askartu in aanay weligood xafiis maamul loo dirane, ee mar-kooddii hore-ba shaqo tag iyo xoolo urursi ay ahaayeene, iyana kuwa daba-leef-yadda ah ee beel walba ka soo jeedda, ee aad tidhaahaan habel baa aanu is xignaa oo maamulka noogu jira, ee canka loo buuxiyey, meel ha idin geeyeen, ishiina baa laga arkaye ummad yahay, bal ku soo dhawaadda intan yar.

 

Kulayl baad is badee, halkaas kaarka la jiifa,

Kulmiyuhu kadeed kuu na baday, uu kaydki wadda laacay, 

Abaar kulayl dhaaftay iyo, gaajo wadda koobtay, 

Ummaddii siddi dheri karaa, qiiq ka baxayaaye, 

Kurbashiyo haraad baa bogii, kala go'aayaaye, 

Kumanaan ayuu sii socdaa, koobka shaahiye, 

Kadab kale ma jiro, oo waanan kara-hayne, 

kelidhi bay dhegtii wadda hayaan, bayl ay kariyaane, 

Kuwii loo egmaday baa dhamaan, keenay macaluule, 

Waa kuwaa kashbacay, ee kelyuhu kubadda leeg yiine, 

Kalxamaha gidaaradda ka weyn, iyo camamkan kuusoobay, 

Markii ay ka haageen ayey, Kinisad keeneene, 

Waa uun karbashyadda cunoon, kabaha dhaafayne, 

Dacaskii kol ay tahay way rahmeen, koombo daasasad ahe.

Kiishkii islaamaha isana, maafush kala gooye, 

Kumbuskii la qaadyoo carabta, bay ka iibsheene, 

Alahayaw kuwaa naga qab-qabo, karahnay duulkaase, 

Waa karaamo seeg oo ma jiro, ruux ka gaar ahiye..

 

  Nin baa laga hayaa kululaatay aw diiriyaw kaba la'aan-tiiyeKaba tole, tolan xun ma waayo, askarigan iyo rakaab-kiisuna, waa dhidid iyo dhafoorkuu ka soo baxay, sidaas awgeed isma dhaanto weeye aan isu dhiiban. Muwaadin aan hoos u daadego'e, Waxa kale oo somalidu tidhaahaa " Dhuumasho uu dhabarku muuqdaa, dhuumasho maaha"  Waxan ku soo gaabiyey maqaalkan,Tix baa waxa ka mid ahaa baydad-keedda " Ninmad Qali qamuunyadda Ka dhawr, Oo Foolasha u qaawi, qadacaa ilkaha yuu arkine, Hawba kala qaadin", laakiin askarigu maba qarsan karo, taasina waxay ku tusaysaa in aanu meela ka soo gelin siyaasadda, ee ay wixiisu yihiin qub iyo qac, ham-ham iyo dig-dig meel madhan ah. Somalidu waxay tidhaahaa, nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye. waa kuwii uu sheegay ilaah ha u naxariisto'e Cabdilaahi Suldaan  ( Tima-cade), ee uu lahaa "  Nimankii tolaay iyo hayaay nagula meeraystay, muraad-koodu niman-kuu ahaa moodhar-kiyo daarta, nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo" Ujeedo waxa weeye, maamulka askarigu wax kale umuu iman, ee aad ka xoog-satid buu xukunka u boobay.

 

kuwa leh wax buu qabtay-na, waa inta dhiisha caanaha looga buuxiyey, ee caymarka isla dhacaysa, hora-se loo yidhi, nin dhergay dhalaan-kiisa ma oga iyo  heestii ahayd "Waynaan dareemine, dadka kii dhergaw daran, dilaal iyo milaal iyo dib-u-socodna waa isaga" Sidaas awgeed qudhaanjooy naa ku quuso, ha fadhido faraw is faquuq-daye, iyadda baa feedhaha is jebisaye, hWa taas jeegaantii Roobkii kala eriday, karis xun Iyana wax ku la' baa la yidhiye,dheriggii idiin buuxay yaa af genbiyey, saw maha kuwii dagaalkii maraya-aloolinaka oo aan cago dhiganin, yidhi inta aanay qumaati isu taagin somaliland mijo xaabiya, oo fartii ay qaado-ba dagaal ha ku jirto, miyaanay ahayn labadda asakri? Weliba sidaas baa been la idiinku sheegayaa, oo ay idn leyhiin cid kale baa burburi-naysa? waa goorma -goorta aad ka il-baxaysaan labadan xaaraami?

 

* N.B Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa, Dhuumasho Maaha!

  Qore:- Abdi-Shotaly


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...