Akhriso Fallanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka U Dhaxeeya Maxkamada Sare Iyo Baarlamaanka Somaliland

0
Thursday September 03, 2020 - 11:17:55 in News by
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Fallanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka U Dhaxeeya Maxkamada Sare Iyo Baarlamaanka Somaliland

    Akhriso Fallanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka U Dhaxeeya Maxkamada Sare Iyo Baarlamaanka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Fallanqayn Sharci Oo Ku Saabsan Khilaafka U Dhaxeeya Maxkamada Sare Iyo Baarlamaanka Somaliland


Marka ay Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Sharci-dejintu (Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada) Iska hor yimmaadan ee Maxamaddu xeer ka mid ah xeerarka awoodaheeda tilmaama tafsiirto dacwad Dastuuriga ah oon jirin iyo marka Barlamaanku jawaab ka bixiyo ee warbaabinta la isu adeegsado; bal sharcigaa suurayso?



Dacwad Dastuuriga ah sidee loo bilaaba, markeese laga garnaqaa? Maxkamadda Sare, gaar ahaan Qaynta ka garnaqista dacwadaha Dastuuriga ah ma ka garnaqi karta dacwad dastuuri ah oo hal dhinac uun la dhegaystay? Goormay laali karta xeer Barlamaan, iyadoo loo eegaayo dastuurnimadiisa. Sida inuu dastuurka waafaqsan yahay iyo inuu ka hor imaanayo? Ka waran haddii ay maxkamadda lafteedu dhinac ka tahay dacwada?


Wax-ka-beddelka iyo kaabiska Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer lr. 24/2004), waxa horre u soo gudbiyey oo bilaabay wax-ka-beddelkiisa Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Sare, iyadoo hay'addo badan oo bahda caddaaladda ah oo uu xeerkan taabanayo ka keeneen dood sharci.


Golayaasha Barlamaanku (Guurtida iyo Wakiillada) waxa ay ka guteen shaqadooda iyo waajibaadkooda xeer-dejineed, Madaxweynuhuna wuu ansixiyey, halka Garyaqaanka Guudna faafinta rasmiga ah ku soo saaray. Sidaasna waxa ku dhammaystirmay dhaqangalnimada xeerkaas.


Kadib, markii saluug ay ka muujiyeen Maxkamaduhu, gaar ahaan sida ku cad qoraalka jawaabta ah ee Barlamaanka waxa Maxkamadda Sare, gaar ahaan qaybta ka garnaqista dastuuriga cabasho ku wajahan dabiq la'aan xeerka ah u soo gudbiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, sidaasna ay Maxkamaddu ku laashay wax-ka+beddelka xeer lr. 24/2004.


Golayaasha Barlamaanka ayaa si wada jir ah jawaab uga bixiyey laalista wax-ka-beddelka, iyagoo ku dooday in wax-ka-beddelku aannu dastuurka ka hor imaanayn, dacwad Maxkamadda Sare qayb ka tahayna aanay isla iyadu ka garnaqayn.


Su'aalaha sharci ee u baahan in la taxliiliyo ayaa ah Maxkamadda Sare, gaar ahaan Qaybta Dastuurigu ma ka garnaqi karta dacwad ay qayb ka tahay, maadaama xeerka Nidaamka Garsoorku yahay xeer taabanaya, wax-ka-beddelkiisana ay soo gudbisay? Haddii aanay Maxkamadu ka garnaqayn yaa ka garnaqayn?


Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamaduhu sharciyada samayntooda ma unkaan? Dhacdo ugub ah oon sharci ka oolin, hadduu Maxkamaddu ka garnaqdo go'aanka laga soo saara sharci buu noqonaya, balse ka waran hal-abuutida sharciyadda ma ku jirta awoodda maxkamadaha?


Su'aasha u dambaysa hadduu Barlamaanku is waydiin lahaayeen markii horre muranka sharci ee hadda taagan ma uu yimmaadeen. Su'aalahaas iyo kuwo kale oo badan ba waa kuwo arrintan ku lammaan oo furfuristeeda muhiim ah.


Is khilaaf iyo Iska hor imaadka Waaxaha iyo hay'adaha dawliga ah aad buu inoogu badanaayaa mar ba marka ka dambaysa. Waa dastuurka oo la ga dhigto mid sida la rabo markaa loo tafsiirto.


Suxufi/Sharci yaqaan  Ibrahim Khadar Siciid

Loading...
Loading...