Guddida Doorashooyinka Oo War Ka Soo Saaray Diwaangelintii Tijaabada Ahayd

0
Thursday September 03, 2020 - 11:09:55 in News by
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashooyinka Oo War Ka Soo Saaray Diwaangelintii Tijaabada Ahayd

    Guddida Doorashooyinka Oo War Ka Soo Saaray Diwaangelintii Tijaabada Ahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashooyinka Oo War Ka Soo Saaray Diwaangelintii Tijaabada Ahayd

Hargeysa(HWN):-Guddida doorashooyinka somaliland ayaa war ka soo saaray diwaan gelintii tijaabada ahayd ee ay ka fuliyeen magaalooyinka Balligubadle iyo Oodwayne.

Image may contain: 8 people, outdoor



warsaxaafadeed ka soo baxay guddida doorashooyinka ayaa lagu sheegay in guul laga gaadhay diwaan gelintii tijaabada ahayd ee la qaaday, waxaanu warsaxaafadeedka guddidu u dhignaa sidan:-

Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) wuxu ku qabtay magaalooyinka Baligubadle iyo Oodweyne Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo tijaabo ah.

Ujeedada guud ee Diiwaangelintan tijaabada ah ayaa ahayd in si hufan loo tijaabiyo agabka diiwaangelinta casriga (Biometric Voter Registration) iyo Hannanka agabka Diiwaangelinta gobaha ka baxsan magaaloyinku u soo gudbin karan xogta Codbixiyayaasha.

Diwaangelintan tijaabada ah, waxa ka qayb galay dad ka badan 200 oo qof, kuwaas oo matalaayey dhammaan qaybaha bulshada JSL, si loo helo matalaada dheelitiran. Komishanka Doorashooyinka Qaeanku wuxu intii lagu gudo jiray tijaabada hubinaayay in aay jiraan wax cilado farsamo, maamul, xog-lalin ama shaqo oo marka la gaadho diiwaangelinta guud caqabad noqon kara, taas oo hada laga sii gaashaman doono.

Guud ahaan diiwaangelinta tijaabada ah oo ay ka qayb galeen isla markaana ay goob-joog ka ahayeen Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Ururada Bulshada rayidka ahiba, waxay ku soo gabo-gaboowday guul.
@NEC
Loading...
Loading...