Muuse Biixi Oo Canaan Kula Duldhacay Wakiil Baashe Oo Casuumay Siyaasiyiinta Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi La Safan

0
Thursday September 03, 2020 - 11:05:06 in News by
  • Visits: 3272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Canaan Kula Duldhacay Wakiil Baashe Oo Casuumay Siyaasiyiinta Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi La Safan

    Muuse Biixi Oo Canaan Kula Duldhacay Wakiil Baashe Oo Casuumay Siyaasiyiinta Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi La Safan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Canaan Kula Duldhacay Wakiil Baashe Oo Casuumay Siyaasiyiinta Kulmiye Ee Maxamuud Xaashi La Safan

Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qado sharaf uu dhawaan safiir Baashe Cawil Cumar u sameeyay kaadiriin ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.



Amb Baashe Oo Canaan Kala Kulmay Madaxweyne Biixi


Kulankaasi oo uu abaabulkiisa lahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambasador Baashe Cawil ayaa lagu sheegay in loogu sii gogol xaadhayay sidii uu shirweynaha KULMIYE ugu qabsoomi lahaa midnimo iyo in Madaxweyne Biixi looga tanaasulo doorka guddoomiyenimada KULMIYE iyo Murrashaxnimada madaxweynaha islamarkaana la isugu soo dhawayn lahaa madaxweynaha iyo Maxamuud Xaashi oo damac kaga jiro kursiga guddoomiyaha Kulmiye.


 

Warar lagu kalsoon yahay ayaaa sheegaya in  mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu si weyn uga cadhooday tallaabada uu qaaday safiir Baashe Cawil.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku canaantay Safiir Baashe Cawil in kulan noocan ah uu qabto isaga oo aan la soo socodsiinin, waxaanu u sheegay in xisbiga KULMIYE loogu tartami doono si furan marka la gaadho wakhtiga loo muddeeyay.


Ugu dambayntii Safiir Baashe Cawil ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Biixi ka raali-geliyay tallaabadan uu ku kacay waxaanu u sheegay in hawlaha xisbiga uu uga dambayn doono hoggaanka sare ee xisbiga.


 


Loading...
Loading...