Ciyaaryahan Messi Oo Aabihii U Qadimay Dood Adag Oo Uu La Hortagay Boodhka Kooxda Barcelona

0
Thursday September 03, 2020 - 10:53:09 in News by
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Messi Oo Aabihii U Qadimay Dood Adag Oo Uu La Hortagay Boodhka Kooxda Barcelona

    Ciyaaryahan Messi Oo Aabihii U Qadimay Dood Adag Oo Uu La Hortagay Boodhka Kooxda Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Messi Oo Aabihii U Qadimay Dood Adag Oo Uu La Hortagay Boodhka Kooxda Barcelona


Kulankii maanta ay ku ballansanaayeen boodhka maamulka Barcelona iyo wakiillada Lioinel Messi oo uu horkacayay Aabbihii Jordi Messi ayaa soo dhamaaday, kaddib waqti ay is hor-fadhiyeen.




Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu oo hoggaaminayay boodhka Barcelona kulanka uga qayb-galay ayaa isku dayayay inay sii haystaan kabtankooda, waxaana la sheegay inuu ku dooday inay wali kooxdiisu iska leedahay go’aanka xiddigan oo uu kula jiro heshiis ku xidhan 700 milyan oo Euro, kaliyana uu ka tegi karayo haddii la bixiyo lacagtaas.


Aabaha dhalay Lionel Messi oo hoggaaminayay dhinaca ciyaartoyga ayaa iyaguna shirka la tegay go’aan waafaqsan wixii uu Lionel Messi hore u sheegay ee ahaa inuu xaq u leeyahay inuu iskaga tago oo sidaas uu dhigayo heshiiskiisu.


Sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Spain, labada dhinac ayaa bilowgiiba laba mowqif oo adag kala istaagay, waxaana ugu dmabayntii uu kulankoodu kusoo dhamaaday fashil iyo is-afgarad la’aan taas oo sii xumaynaysa xaaladda labada dhinac.


Jordi Messi oo shalay kasoo duulay waddanka Argentina si uu kulanka uga qayb-galo oo ay Barcelona iskula meel-dhigi karaan mustaqbalka laacibkan ayaan la sheegin inuu dib ugu laaban doono dalkiisii oo uu ka tegayo Spain, laakiin warar kale ayaa tibaaxaya inay u badan tahay inuu sii joogi doono illaa inta ay arrimuhu saldhigayaan.


Wakiilka Messi ahna aabbihii ayaa warbaahinta Spain u sheegay ka hor intii aanu kulanku dhicin inay adag tahay filashada in Lionel Messi uu sii joogo Barcelona, waxaanu xusay in xaaladuhu adag yihiin.


Labada wargeys ee aadka looga akhristo Spain ee El Mundo Deportivo iyo Diario Sport oo kulanka Boodhka Barcelona iyo Lionel Messi wax ka qoray ayaa sheegay in aanay labada dhinac wax heshiis ah gaadhin oo ay ku kala kaceen.


Jordi Messi waxa kulanka ku wehelinayay wiil kale oo uu dhalay oo ay Messi walaalo yihiin iyo qareenka qoyska, waxaanay xaaladdu sii xumaatay markii ay Barcelona u sheegtay in heshiisku yahay sida ay iyagu u arkaan, ayna doonayaan in laba sannadood oo kale uu lasii joogo laacibkani.



 

Loading...
Loading...