Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Laaashay Qaar Ka Mid Ah Eedaymihii Lagu Soo Oogay Maamulaha Astaantv.

0
Thursday September 03, 2020 - 10:46:49 in News by
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Laaashay Qaar Ka Mid Ah Eedaymihii Lagu Soo Oogay Maamulaha Astaantv.

    Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Laaashay Qaar Ka Mid Ah Eedaymihii Lagu Soo Oogay Maamulaha Astaantv.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Laaashay Qaar Ka Mid Ah Eedaymihii Lagu Soo Oogay Maamulaha Astaantv.


Hargeya(HWN):-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa laashay mid ka mid ah dhawr qodob oo Xeer ilaalintu ku soo oogtay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yusuf oo muddo bil ka badan ku xidhan Magaalada Hargeysa.

Image may contain: 1 person, text


Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in saaka oo khamiis ah Maxkamadda gobolku laashay qodobkii koowaad ee kiiskii ay kusoo eedeeyeen Abdi Manaan Yusuf ee inuu Arrimo basaasnimo ka dhan ah Somaliland, taasoo maalintii koowaad ee dacwada la dhegeysto ay Qareennada u doodayey Guddoomiyaha Astaan ay sheegeen in qodobkaas uu yahay mid u baahan in cadaymo lagu soo lifaaqo, taaso oo Xeer Ilaalintuna ku dooday in aanay cadaymo u ahaayn.


Dooddan Xeer ilaalinta iyo Qareennada ayuu Garsoorkii Kiiska gacanta ku hayey sheegay inuu isagu qaraar ka soo saaray, taas oo uu maanta soo saaray isla markaana uu meesha kaga saaray qodobka koowaad ee dacwada loo haysto ee ahayd Basaasnimada.


Xeer Ilaalinta, ayaa la sheegay in ay Racfaan ka qaadatay Qaraarkan Maxkamaddu ku laashay Qodobka koowaad ee eeddooda.


Xeer Ilaalinta ayaa Abdimanaan Yusuf ku soo eedeysay laba qodob oo kala ahaa Basaasnimo iyo arrin la xidhiidha Ruqsada iyo Mulkiyada Astaan TV Hargeysa.

Loading...
Loading...