Meherrada Masaajidada Oo Shaqadii Kala Wareegay Hudheeladii
Lacagta lagu kireeyo Meherrada Masaajidada
Masuuliyiinka
masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherada ka dhaca
masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meheradii ayey masuuliyiintii soo
rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku
jirto. Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan
masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu
lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha
ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin. Masaajidada ku yaalla
badhtamaha suuqa iyaga laftoodu waxa ku kala duwan yihiin xaddiga lacagta laga qaado
dadka.
Masaajidada
qaarkood waxa laga qaadaan $130 meherkiiba,
kaarka meherka lagu geliyo waxa shaanbad tii hudheelada oo kale ah lagaga soo
dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo
waxa laga qaadaan inta u dhaxaysa $65
illaa $80. Suuqa meherada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa
kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalah masaajidadu ii sheegay inay
maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex
ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherada qaarkood habeenkii ay ka
dhacaan masaajidada. Markaa haddii aynu xisaab ahaan u soo qaadanno maalintii
masaajidka ugu lacagta yar inay ka dhacaan laba meher, bishii waxa ay
noqonaysaa: 30 x $160= $4,800 bishii. Sidoo kale haddii
aynu soo qaadano kuwa ugu lacagta badan ee bishii laga qaado $130 waxa ay
noqonaysaa : 30 x $260 =$7,800 bishii. Haddii aynu eegno
sannadkii waxa ay noqonaysaa: $ 7,800 x 12 bilood= $ 93,600. Waa tee meheradda ganacsi ee sannadkii faa’iida
lacagtaasi?.
Haddii intaasi laga sii kordhiyo lacagtu way ka badanaysaa. Haddaba halka ay fadhido xisaabtu waa kharaskhaasi ay masuuliyiinta masaajidadu ka qaadayaan meherada, maxaa u diidaya in lagu soo rogo canshuur laga qaado lacagtaa faraha badan ee dadka aan qaadi karayn laga qaadayo?, kol haddii ay hudheeladii shaqadii kala wareegeen. Dhawaan ayaan la kulmay nin danyar ah oo doonaya inuu gabadh uu la soo heshiiyey mehersado, hasayeeshee aan haysan lacag uu ku kiraysto hudheel ama masaajid. Markii dambe ayaanu u tagnay sheekh masuul ka ah mid ka mid ah masaajidada xaafadaha ku yaalla ee aan haysan suuqa kirada. Wuu inoo ogolaaday ka dib markii aanu u waayo sheeganay. Illaa hadda lama hubo in lacagtaasi masaajidka nadaafadiisa, dayactirkiisa iyo shaqaalihiisa waxa uu ka soo gaadho iyo inuu sheekha masuulka ahi uu ku wada shubto.
Dhacdooyinka Ay Meherradu Sababaan ee Ka dhaca Masaajidada
= Askar albaabka taagan: qofka doonaya inuu masaajidka
aroortii iska fadhiisto oo uu qur’aan akhristo ama salaad iyo duco u tagaa, ma
geli karo. Askari lagu soo ballamiyey inuu joojiyo cid aan kaarka meherka wadan
oo aan yeelayn inaad gasho ayaa albaabka ku dhegan. Qofkii markaa danta ayaa ku
kalifaysa inuu gurigii Ilaahay ee cibaadada loo tegayey inuu dib uga noqdo.
= Cayda iyo Buuqa: waxa masaajidka isugu imanaya dad kala
duwan, mid tukada mid aan tukan, mid dharkiisa iyo jidhkiisu aan maydhin iyo
mid doodba ka qaban inuu salaad tukado (Cilmaani). Dadkaasi intooda badani
markay soo galaan masaajidka waxa salaad ah ma tukadaan toos ayey u fadhiistaan
goobta loogu talogalay inuu meherku ka dhaco. Way kaftamayaan, way
is-dacaayadaynayaan, way qoslayaan, way is-gujinayaan. Way, Way, Way……………….
Markay timaado in lacagta gabbaatiga la kala qaato ayey qoloba dhan u baxaysaa.
Tusaale kuwa gabbaatiga la siiyey way ay tagayaan goob gaar ah oo loogu talogalay inay lacagta ku qaybsadaan, kuwaa kale ayaa iyana qaybsanaya wixii dib loogu celiyey ee lacag ahayd. Halkaasi waxa ka dhaca buuq iyo hadal mararka qaarkood cay iyo aflagaado wadata. Meherada qaarkood gacanta ayaa la isku saaraan marka la isku maandhaafo qaabka lacagta loo qaybsanayo. Dadka qaarkood uma dhaadhacsana in meeshu ay tahay gurigii Ilaahay oo ay cayda iyo buuqa ka daayaan, waxa se u muuqato lacagta qayilaada maalintaasi oo iimaankiiba wuu ka maqan yahay.
= Ninkii Xagga sare ka soo dhacay: masaajid laba dabaq ah ayuu
meher ka socoday dabaqa sare, markii lacagtii la qaybsanayey ayey fowdo dhacday
oo la boobay lacagtii goobta taallay. Nin lacag badan la soo baxsaday oo firxad
ahaa ayaa siduu u soo ordayey si kedis ah uga soo dhacay goobta daloosha ee
dabaqa sare, waxaanu ku dhul dhacay dad hoosta kitaab ku marsanayey. Nasiib
wanaag waxba muuqan aan ka ahayn dawakhaad yar iyo xoodhxoodh.
= Gacan-ka-hadalka: muranka lacagta ayaa keena in gacanta la isku qaado meelaha qaarkood. Waxaanu muranku dhexmaraa dad doonaya inay lacagta inta badan qaataan iyo kuwa doonaya in wax la is-gaadhsiiyo. Gacan-ka-hadalkan waxa kaalin ah kuma laha askartii kaararka dibada ku guraysay, waxaanay iyaga laftoodu ku jiraan kuwa halganka ugu jira inay helaan qaybtooda lacagta lagu murmayo. Waxa aad arkaysa iyada oo la leeyahay, waar kala qabta, waar waa masaajid, waar waa gurigii Ilaahay, waar ha ku dagaalamina, waar wuxu waa adduunyo IWM. Sidoo kale waxa masaajidka soo gelaya dad aan weligood salaad tukan iyo kuwa takhsiisan ama mirqaansan. Dhinaca kale waa laga yaabaa inuu Ilaahay ku soo hadeeyo soo gelitaanka masaajidka. Waxa jiray nin doonayey inuu gabadh ku mehersado masaajid, ninku weligii salaad muu tukan. Markii uu soo galay masaajidkii ayuu anfariiray oo uu fadhiisan waayey, isaga oo naxsan ayaa dirqi lagu fadhiisiyey.
= Nadaafad-darrada: dadku isku wada mid maaha, waxa jira dad nafaadda ka arradan oo aan maydhasho jidh iyo mid hu toodna lahayn, kuwaasi ayaa meheradii ka soo qaybgalaya. Marka masaajidkii laba meher ka dhacaan ee dadkaasina soo galaan ee wakhtigii salaada duhurna ay soo gasho, waxaad ku tukanaysaa uun meel uu mid sharabaado qudhmay ku fadhiistay, markaasaan karaahiyeysanaysaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!