Barta Twitter-ka Ee Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Oo La Jabsaday

0
Thursday September 03, 2020 - 08:35:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barta Twitter-ka Ee Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Oo La Jabsaday

    "Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan"

Bogga Internet-ka ee Twitter ee Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday, sida ay xaqiijisay shirkadda.



Qoraallo is xig xigay oo lagu soo qoray boggiisa ayaa dadka ku xiran halkaas looga codsanayay inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah.


Shirkaddu waxay sheegtay inay ka war heshay dhaqdhaqaaqa ka socday halkaas isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu dhowrayo amniga barta Ra'iisul wasaraaha ee Twitter.


Waxay arrintani kamid tahay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee ku saabsan dhaca xogta shakhsiyaadka caanka ah, bishii July ayay aheyd markii la jabsaday bogga Twitter uu ku leeyahay musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden.


"Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan, kama war heyno bogag kale oo sameyn ku yeelatay falalkaas," waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay shirkadda Twitter oo la hadlayay BBC-da.


Bogga la jabsaday waa barta rasmiga ah ee Ra'iisul wasaaraha Hinidiya Modi.


Shirkaddu waxay meesha ka saartay qoraallada marin habaabinta ah ee looga codsanayay dadka ku xiran bogga Narendra Modi inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar qaran ah iyago adeegsanayo barnaamijka la yiraahdo Bitcoin ee lacagaha lagu shubto

 

BBC

 

Loading...
Loading...