Laba Ardaa Oo Ka Tirsan Beesha Habaryoonis Oo Qarka U Saaran Dagaal Dhexmara Iyo Badhaasabka Oodwayne Oo Isku Daawanaya

0
Thursday September 03, 2020 - 00:02:33 in News by
  • Visits: 6841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Ardaa Oo Ka Tirsan Beesha Habaryoonis Oo Qarka U Saaran Dagaal Dhexmara Iyo Badhaasabka Oodwayne Oo Isku Daawanaya

    Laba Ardaa Oo Ka Tirsan Beesha Habaryoonis Oo Qarka U Saaran Dagaal Dhexmara Iyo Badhaasabka Oodwayne Oo Isku Daawanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Ardaa Oo Ka Tirsan Beesha Habaryoonis Oo Qarka U Saaran Dagaal Dhexmara Iyo Badhaasabka Oodwayne Oo Isku Daawanaya


Hargeysa(HWN):-badhasaabka gobolka Daadh-madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi ayaa ku hawlan qorshe uu iskaga hor keenayo laba ardaa oo ka wada tirsan beesha Habaryoonis oo isku hor fadhiya deegaan ku yaala duleedka Oodwayne.

Weerar ka dhacay caasimadda Faransiika oo askari boolis ah lagu dilay - BBC News Somali


Labada ardaa oo kala ah reer Muumin iyo Muuse Cabdale ayaa isku hor fadhiya Baliga Cali Liibaan oo 5km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.


Labadan ardaa ayaa si weyn iskugu khilaafsan baliga ay isku hor fadhiyaan ee Cali Liibaan, iyada oo badhasaabka gobolkuna uu xabsiga Burco u dhaadhiciyey ergooyin doonayey inay kala dhex galaan labada ardaa ee khilaafku dhex yaalo.


Goob joogayaal ku sugan magaalada Oodwayne ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in badhasaabka gobolka Daad-madheedh uu si badheedh ah u hor istaagay odayaal doonayey inay ka hor tagaan dagaal dhex mara labadaas ardaa ee ka wada tirsan beesha Habaryoonis ka dib markii uu xabsiga dhigay ergadii nabada doonaysay.


Badhasaabka gobolka Daad-Madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi ayaa talaabada uu xabsiga ku dhigay ergadii nabadaynta u tagi lahayd deegaanka labada ardaa isku hor fadhiyaan waxay sababtay in dablay hubaysan labada dhinac ahi ay maanta ka baxaan magaalada Oodwayne kuwaas oo gaadhay goobaha laysku hor fadhiyo.


Badhasaabka gobolka Daad-madheedh ayaa xoriyada ergada nabadaynta ah ku xidhay in qof kastaba uu bixiyo lacag gaadhaysa kun doolar.


Ergada nabada ee uu badhasaabku xidhay ayuu u dhaadhiciyey jeelka dhexe ee magaalada Burco kuwaas oo ay ka mid yihiin.


1.Caaqil Cawil Faarax Guray

2.Muuse Daahir Faarax(Muuse Dhakhtar)

3.Maxamuud Cabdi Guun

4.Aadan Xasan Guuleed(Dhabjiqiiq)

5.Aadan Ismaaciil Xasan

6.Axmed Saleebaan Aadan

7.Maxamed Muuse Ciise

8.Shaafici Ciise Ibraahim

9.Sharmaarke Xaashi Axmed iyo xubno kale


Labada ardaa ee isku hor fadhiya baliga Cali Liibaan ee duleedka magaalada Oodwayne ayaa u baahan in si deg deg ah loo kala gaadho inta aanu dagaal khasaare sababaa dhicin.

Loading...
Loading...