Uhuru Kenyatta Oo Lagula Taliyay Inuu Garab Weydiisto Farmaajo

0
Wednesday September 02, 2020 - 20:54:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta Oo Lagula Taliyay Inuu Garab Weydiisto Farmaajo

    Uhuru Kenyatta Oo Lagula Taliyay Inuu Garab Weydiisto Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta Oo Lagula Taliyay Inuu Garab Weydiisto Farmaajo



Hargeisa(HWN):-Warbaahinta dalka Kenya ayaa hadal haya war kasoo baxay siyaasi horay usoo qabtay xil qaran oo madaxweyne Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weydiisto caawinaad ku aaddan sidii uu guul uga soo hoyin lahaa la dagaallanka musuqmaasuqa.


Muuqaal Shir jaraa’id ah oo laga duubay Madixii hore ee Laanta Qaran ee la dagaallanka tacaddiga daroogada Kenya, John Michael Njenga Mututho, ayaa lagu shaaciyay warbaahin uu ka mid yahay bogga internet-ka ee wargeyska The Standard iyo sidoo kale baraha bulshada.


Mututho, oo sanadkii 2017-kii u tartamay xilka madaxa maamul goboleedka Nakuru, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda mudan tahay ku dayasho.

"Soomaaliya hadda waxay muujisay door hoggaamin ah. Annagu dhankeenna waan uga caawinay xallinta qalalaasaha, hadda annaga ayaa ka rabna garab. Mudane madaxweyne, telefoonka qabso, wac walaalkaa – madaxweynaha Soomaaliya – u oggolow inuu imaado, la wareego dadka aan tuhunsan nahay, sidaasna gacan ha uga geysto dardar galinta dacwaddooda, sababtoo ah xabsiyadiisii ku meel gaadhka ahaa way madhan yihiin, dadkii horay ayaa xabsi weyn loogu wada diray, kuwan ha joogaan xabsiyada ku meel gaadhka ah ee halkaas ku yaalla.” Ayuu yidhi Mututho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in hadda Kenya uu musuqa meel aad u daran ka taagan yahay, wuxuuna yidhi: "Annagu uma sii dulqaadan karno arrinta ku saabsan dadka wax u xadaya si ay uga cadheysiiyaan shacabka, si markaas ay usii bataan mudaharaadyada. Kenya Alle ha badbaadiyo.

Dhanka kale wuxuu sharraxay in darisnimada ay ku jirto in la iscaawiyo.

"Xitaa Soomaaliya way leedahay ciidan, maxaan u aadnaa halkaas, ciidamada cirka way leeyihiin, ciidamada badda way leeyihiin, waa daris wanaag uun. Haddii aan annagu isku filnaan weynay, dariska ayaan caawinaad u doonaneynaa, ma dhahayno dacwad ooge guud ma lihin, ma dhaheyno madaxa caddaaladda ma lihin, ma dhaheyno ma lihin guddi la dagaallama musuqmaasuqa iyo hay’adaha kaleba, laakiin dariskaaga waad ka dalban kartaa garab, madaxweynaha Soomaaliya wuu noogu deeqi karaa dambi baadheyaashiisa, way yaqaannaan sida arrimahan loola tacaalo.” Ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay muujisay dadaal xooggan oo ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa, sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Loading...
Loading...