Muuse Biixi:-Baahiddu Ma Dhammaatee, Adduun Aruursi Iyo Dhul boob Haku Karraamo seeggin!

0
Wednesday September 02, 2020 - 19:54:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi:-Baahiddu Ma Dhammaatee, Adduun Aruursi Iyo Dhul boob Haku Karraamo seeggin!

    Muuse Biixi:-Baahiddu Ma Dhammaatee, Adduun Aruursi Iyo Dhul boob Haku Karraamo seeggin!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi:-Baahiddu Ma Dhammaatee, Adduun Aruursi Iyo Dhul boob Haku Karraamo seeggin!

Faallo:-Hadhwanaagnews



Hargeisa(HWN):-Hoggaaminta gole ka fuulka ah ee Muuse Biixi Cabdi waxa ay saamayn taban ku yeelatay dhankasta oo aad ka eegto Somaliland,sida dhaqaalaha, Caddaalada, Waxbarashadda, Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Arrimaha gudaha intaba.



Somaliland ma jirto meel u bad-qabta, waxaanna ka jirta maamul-xumo baahsan iyo xatooyo aan loo aabbo yeellayn, taasoo gaadhay Xafiiskasta iyo Xarunkasta oo dawladdeed. Haa, taasi waa run oo ruux kasta oo Somaliland u dhashay wuu ogyahay heerka uu marraayo Dulmigu iyo Maamul-xumidda ka jirta, waxaanna la odhan karraa falalkaasi waxay bilowdeen markii ay dhalatay Xukuumaddii ugu horraysay ee KULMIYE ee uu hoggaaminaayay Axmed Siilaanyo, balse waxa ay wax weliba sii xumaaddeen markii uu yimid Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ilaa maalintaa uu Xafiiska Madaxtooyadda soo galay u muuqday mid Ciil-qaba oo aargudasho ku fooggan.!


Muuse Biixi Cabdi waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee isagoo aqalka dalka looga arrimiyo fadhiya, haddana ku kaca boobkii iyo Sharci-daraddii ugu waynayd ee Somaliland soo marta, taasoo ah innuu Dad shacab ah oo Masaakiinna dhulkooddii ka barakiciyay, iyaddoo uu awood dawladdeed iyo mid maaliyaddeed uu adeegsannaayo, waanna Fool-xumo iyo Ceeb taariikhda u geli doonta haddii Rabbi yidhaahdo. Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa laga guntay erray dhaxal-gal ah oo Madaxweyne kasta oo Somaliland soo mara haysta ama siyaasi kasta oo damaciisu yahay innuu Shillimaadka ummadda ku tagri falo, taasoo ahayd "Kursiga guryo ayaa loo iibiyaa ee guryo lagama dhisto" Weedhaas oo macnawiyan ka dhiggan Kursiga hantiddaada ku bixi oo hanti haka doonin ee magac iyo sharaf ku kasbo intaad joogtid, waanna sida saxda ah ee Siyaasaddi ama Siyaasi kursi ku fadhiya laga doonnaayo innuu ku shaqeeyo, maaddaama uu berito mar kale u baahannaayo kalsoonida shacabkiisa.


Hase-yeeshee, hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi macnaha uu kursigaba u yimid waxa ka turjumaaya hab-dhaqankiisa taban ee Xaafadaysan iyo ficillada guracan ee uu maalinkasta kula kaco bulshaddii codkeedda siisay, waxaanna isagu haystaa qaaciiddo odhanaysa intaad Kursiga joogto baloodhkaad caashaqdaba callaamadso, oo xitaa haddii uu Qoys deggen yahay Caggaf uun geli, iyabba waa tabaalaha adduun taynu aragnaaye,!


Waxaad ogtihiin oo aan qarsoonnayn in maalinkasta ay Warbaahinta la hadlaan Dad muwaadiniin ah oo shacab ah oo Waayeel leh, oo Haween leh oo dhalinyaro leh, kuwaasoo ka hadlaaya Dulmi ay ka tirsanayaan Qoyska Muuse Biixi Cabdi oo ah ruuxii taladda dalka ay gacantiisa ku jirtay, wali miyaad aragteen Muuse Biixi oo arrintaas ka hadlaaya? miyaad iswaydiisay sababta uu uga aamusay eeddahaas ay dadka shacabka ahi u jeeddinayaan isaga waa Muusee iyo Qoyskiisaba? Akhriste bal iswaydii su'aalahaas iyo kuwo kale oo tiro badan-ba.


Dulmiga inaad sheegtaa waa waajib Illaahay ku faray, maaha inaad Dulmiga iyo Sharci-daradda lagu hayo shacabka dan-yarta ah aad u qariso qof jacayl ama dano adiga kuu gaar ah, markaan sidaa leeyahay waxaan la hadlayaa dadka wali qalbigoodda naxariis iyo Alle ka cabsi ku sii danbeeyo, lama hadlaayo kuwa Muuse jacaylku madax maray ee sax iyo qaladba Muuse Biixi sacabka u tumaaya, ee damiirkooddu dhintay ee garashaddii uu Alle siiyay shillimaadka yar siisay ee Somaliland wanaageedda iyo Xumaanteedda aan kala jeclayn.


Si kastaba ha ahaatee, Weedha Warbaahinta Hadhwanaagnews, waxay ku talinaysaa oo si mug iyo miisaan leh ugu soo jeeddinaysaa Muuse Biixi Cabdi maalmihii doorashaddaada wax yar baa ka hadhsan haddii Alle kugu simo waa wakhti aad wax badan ku sixi kartid ee khaladdaadkaaga dib u sax, ummaddana Caddaalad iyo Sinnaan baa deeqdee ugu shaqee intii karraankaaga ah oo yaannu wakhtigu kaa dhicin iyaddoo wax weliba sidaa u qasan yihiin. baahidduna ma dhammaatee yaannay aakhirradaada ku seejin dhul boobka iyo Adduun aruursiga aad mashquulka ku tahay. Inkastoo aannay waysaba kuu dhawrnayn oo aad waxkastaba banaysatay, haddana yeelkeedde'e waxaad maanta ka tagtaaba ogow waa dhiggaalka berito ee shaqsiyaddaada lagu abaal-marin doonno.


Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...