Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda iyo Jaamacadaha Dalka

0
Wednesday September 02, 2020 - 19:29:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda iyo Jaamacadaha Dalka

    Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda iyo Jaamacadaha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda iyo Jaamacadaha Dalka

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo xafiiskiisa imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa fariin kama danbays ah iyo digniin adag u dirtay dugsiyadda waxbarashadda iyo jaamacadaha dalka.



Waxaanay sheegeen in aan la aqbali Karin dugsiyadda sare ee qaata arday aan haysan Shahaadadii fasalka 8aad iyo sidoo kale jaamacadaha qorta arday aan soo dhamaysan dugsiga sare oo aan haysan Shahaadadii.

Wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Toorno, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Axmed Abokor, iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa si wada jir ah fariintaasi digniin ah u diray.

Masuuliyiintaasi waxay sidan ka sheegeen hadallo ay ka jeediyeen kadib kormeer ay ku tegeen xarunta kulliyadda tababarka macalimiinta ee Woqooyiga Hargaysa.

Kormeerkaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa waxbarashadda macalimiinta ee ku jira kulliyadaasi oo isaga kala yimid dugsiyadda goboladda iyo degmooyinka dalka.

Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiinta kale intii ay kormeerka ku guddo jireen kulamo la yeesheen masuuliyiinta sare ee kulliyadda tababarka macalimiinta, kulamadaasi oo lagaga wada hadlayay sidii loo tayayn lahaa aqoonta macalimiinta.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...