Ujeedada Kulan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya La Yeeshay Dhigiisa Dalka Masar.

0
Saturday April 20, 2019 - 12:04:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya La Yeeshay Dhigiisa Dalka Masar.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. kulankan oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dal ayaa lagu sheegay in is faham wanaagsan laga gaadhay.



Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaadhan, waxaa saxeexa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.


Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya kadib markii dhammaadkii bishii hore wefti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland marti qaad ka helay Masar, islamarkaana kulamo la qaatay madax sarsare oo wasaaradda arrimaha dibadda ah iyo gaashaandhigga.


Xidhiidhka u bilawday Somaliland iyo Masar ayay saxaafadda Masar qaarkeed ku tilmaantay mid siyaasi ah oo ku lug leh isbedellada ka socda Geeska gaar ahaana xurgufta Masar iyo Itoobiya.

Loading...
Loading...