Hargeysaay Ciil Ha Mudan!

0
Wednesday September 02, 2020 - 17:00:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hargeysaay Ciil Ha Mudan!

    Maxaan Caradii Gobtiyo Curaddii dhaqankiyo Fankaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaan Caradii Gobtiyo Curaddii dhaqankiyo Fankaay


Hargesaay ciil ha mudan waa hees uu hal-abuuray Xigmaawiga Hal-abuurnimadda Xasan Dhuxul Laabsaalax, waxaanna codkeeda ku qaada Boqorada Codka Farxiya Axmed Caddaawe (Farxiya Fiska), waxay heestani ka hadlaysaa oo iftiiminaysaa Taariikhda qaniga ee ay Hargeysa hantida u leedahay. Dhinacyada Fanka, jawiga aan qaboobayn ee aan kululayn oo Ruuxa Niyaddiisa iyo Qalbigiisa rabitaanka u ah, iyo haldoornimada.



Maxaan Caradii Gobtiyo
Curaddii dhaqankiyo Fankaay
Maxaan kuu Calool-samaa
Waliba ka jeclaa Cindiga
Inaan Cagta soo dhigoo
Carfiga Laydhaada wacan
Inaan ku Caweeyo rabay


Cashiiro Dadkaan ahayn
Dadkuu Cadku iigu yaal
Dadkaan kolba Cayn ahayn
Calool iyo Uur Fayow
Warkooduna uu Cadyahay
Caraddii lagu beerayeey
Hargaysaay Ciil ha mudan


Afrika Cidhifkeeda bari
Cad-ceedda ka soo baxdee
Adduunka ka caan baxdaay
Rugtii Cilmigiyo hiddaha
Tugtii Diintiyo cisiga


Rugtii Curashada Xornimo
Calanka u sidaad tahee
Lahaw Cudud iyo awood
Casiis baan kuu baryee
Nbada Ceelkeeda noqo.

Khalid King

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...