Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare+Sawiro

0
Wednesday September 02, 2020 - 15:16:36 in News by
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare+Sawiro

    Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Daah Furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare+Sawiro


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay Manhajka Waddaniga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Image may contain: 4 people


Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, waxa uuna ku dhiirri geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan.


"Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.”


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh ay u leeyihiin kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo in dadkeenu ay ka faa’iideystaan khayraadka dabiciiga ah ee ceegaaga dhulkeena.


Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida Dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalkeenna, iyada oo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi.

Image may contain: text that says '.d Technology Secondary Form One Chemistry Secondary Form Three Usteningand Taariikh Fasalka1 DugsigaSare StudentBook English Secondary Form Formone Ardeyga Buugga'
Image may contain: 7 people
Image may contain: 7 people, people standing and suit
Image may contain: 8 people, people sitting
Image may contain: 19 people, people standing and outdoor
Image may contain: 7 people, people standing and outdoor
Image may contain: 9 people, people standing and indoor
Image may contain: 10 people, people standing, wedding, suit and indoor
Image may contain: 3 people
Image may contain: 4 people
Image may contain: 2 people, suit

Loading...
Loading...