Tafsiirka Ama Micnaynta Socdaalada Degdegga Ah Bilihii U Dambeeyey Eemadaxwrunayaasha Geeska Africa Iyo Khudbaddii Muse Ee Berbera .
Horta marka horeba waa inaynu ogaano in isbedelkii Geeska Africa ee aynu wada maqalay ee Abi Ahmed Ka Ethiopia bilaabay inuu si xawli ah uga bilawmay
Geeska AFRIKA waana ta muuqata ee dhaqdhaqaaqa Madaxweyne
yaaShii Geeska AFRIKA KU keentay socdaal Ka Lama filaan ee aynu aragnay
bishii u dambeysay socdaal Madaxweyne Farmaajo uu A adis-apa KU tegey ee
si madaxweyne loo soo dhoweeyey , markiiba loo yeedhay Muse Biixi ee
sidii si leeg loo soo dhoweeyey , Madaxweyne Ismail Omer GEELLE degdeg u
tegay Mogadisho , Abi Axmed uu u tegay Imaardka iyo Qadar . Isbedelka
Geeska Afrika waxaa laga samaynayaa Saldhigyo Military iyo DEKEDO
Ethiopia IYO Carabtu Xukumaaan oo aan Cid Somaliyi dib shaqo ugu yeellan
waxayna runtii keenaysaa in dagaalka Yemen OO Kale Ka dhici doono
dhulalka la isku odhan jiray Somali Republic (proxy War).
Isbedelka Abi Axmed durba Wuxuu meesha ka saaray ictiraafkii ay dadka
dhoohan ee REER SOMALILAND badankoodu KU naaloonayeen oo Wuxuu KU
bedelay In xeebta Somalida oo dhan DEKEDO ay Dawladaha khaliijku Maal
geliyaan IYO Saldhigyo Ethiopia Ka mid yahay laga samaysto Somalida na
loo la dhaqmo Maamul WALBA goonidiisa oo maamul waliba ay DJABOUTI oo
kale noqdo una badan in dagaalo xoogi Ka dhexdhacaan hirdankooda
dhulalka Somalida. Isbedelka Abi Axmed Ethiopia kama bilaabin weli ee
Wuxuu Ka bilaabmay dhulalkii Somalida Carab baana ay wada wadaan.
Imaaraadki sadhigiisu Wuxuu noqonayaa Ka Cadan iyo Suqadara UU Ka
samaystay OO kale Wuxuuna KU Isticmaali doonaa Xoog iyadoo Ethiopia uu
gacan Ka helayo HADAL Muse Biixi UU BERBERA Ka yidhi ee ahaa in Xeebaha
la isugu imanayo waa wixii ay socdaalkiisii Abi Axmed KU wada hadleen
Adis-apa , waa waxa Imaaraad KU UGU yeedhayo DUBAI , waxba kama jiraan
isagiyo Diiniga ama Diinka Puntland baa la heshiisiinayaa taasi Strategy
yada Ethiopia IYO Imaaraadka kuma jirto ee arintu way Ka shishaysaa.
Waxaa laga wada hadlayaa Inay Dawlad da Imaaraadku SOMALILAND soo Degto
Ciidan ahaan.
Waxa socda iyo waxaa saxaafaddu sheegaysaa wey Kala fogyihiin.
Saxaafaddu dhaqdhaqaaqa MUUQDA ayuunbay tebinaysaa waana shaqadeeda
laakiin strategy yada laga wada hadlayo daaha dabadiisa waxba kama oGA
loomana ogola Inay ogaato. Markaa Suxufiyiinta IYO shacbigu waxba Kama
oGA weli isbedelka Geeska.
Dhaqdhaqaaqyada Tunweynayaasha maamulada Somalida Isha ha lagu hayo ,
waxaa saxaafaddu I tebinaysaa waa wax muuqda suxufigii hoos arimaha ugu
dhaadhaca EE waxaa socda hoos ugu dhaadhaca na Sida WERIYO COLDOON BAA
LA XIDHAYAA.
Sheekooyinka lagu raad gato EE dadka lagu jihaeareerinayaa wey Soo
badanayaan Sida Maxakamaddii waalayd ee DJABOUTI iyo Muse Biixi dabada
Ka riixayeen ee Hargeysa la keenay ee INA Osman Geelle la Iska
eryanayey.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...