Komishanku Waa Ubax Gudaafad Ka Baxay ( Abdi-shotaly.)!
Qore:- Abdi-Shotaly..
Nin ku wacnaa khiyaamooyinka, oo dabin ka bood
ahaa, baa loo tashaday in la shirabo, oo lagu tijaabiyo in uu ka boodo
ul dheer, oo la kashifo si looga qaado sharafta, dabeed wuu iska gartay
in isaga loo jeedo, oo la doonaayo in la qaawiyo, dabeed iskama uu
waaline, waayahay buu yidhi ii dhiiba, anaa ka boodaaya'e, ka bacdina
farta baa laga saaray, oo lagu yidhi waa taas ee ka bood, ilayn waa nin
aad u xariif ahe, inta uu dhulka dhigay oo uu goglay ciidda buu ka
talaabsaday, dabeed waxa la yidhi waa sidee? ka bood baanu ku nidhiye,
ma dhulka jiifi baanu ku nidhi? wuxu jidhi " La jiifi-yaana banaan, la jooji-yaana banaan"
layma odhan taag iyo jiif midna, sidaan uga boodaayo aniga bay jirtaa,
ee waxa iga taqaaniin anigu in aan dusha ka maro haday jiifto iyo haday
taagan tahay-ba. waxan u soo qaatay maanta arinkan, waxan Komishan ku
sheega ah ay askartu wadataa waa " Ubax Gudaafad Ka Baxay" Ubaxa ka baxa
gudaafadu wuxu ku nool yahay qudhunka lagu daadiyo iyo usgag lagu
qubo, guud-kase wuu ka qurux badan yahay, kolka ay ishu qabato. kuwanina
waxay ku nool yihiin laaluush iyo cuqdad ay reer ka qabaan lagu
balamiyey, waa xaaraan yahano aan dhuunta wax la mariyo mooyee aan diin
kale lahayn. kuwaas oo ummadda reer Somaliland farsamo ay foodda isugu
geliyaan uun u taagan iyo calooshoodda. xaal-kooduna noqday ninka aan
maahmaah-diisa kor idiinku soo sheegay, oo laba weji la soo baxay,
daacad-na aan ka ahayn, in uu qabto doorasho xor ah, ee dhuumaalaysi uu
dhabarku muuqdo ku jira, cadayn-tiina waatan hoos ku taal.
Wadanka ma jiro wax caadi u shaqeeyaa, meeshii aad
taabataaba way buktaa , oo boog malax mililshay ka buuxdo baa ku
huursan, haday tahay askariga dhaxlay aqalkii Moorga, mid uu wasiir ku
sheego ka gudaha iyo inta ku xeeran ee daba leef-yadda ah. Kuwa ay ugu
yeedhaan Kommashinka doorashooyin. qaar hore inoo soo maray-ba maahee,
waa xuunshaddii kudaafadda ku noolayd, ujeedo waxa weeye, waxay
quud-sadaan xaaraan nijaas lagu dalacay, ee saw ka durug maaha, wax ka
mamnuuc ah baan jirrin, ee waa bulaacad ku nool, calooshoodda uun ka
fekera. Marka farta lagu fiiqo ee la yidhaaho, waar ka daaya sidaas, kii
ku adeegan jiray baa halkaa uga daba-shabeeli-naaya, siddii hal rimay
ah oo awrkii baarqub aragtay, oo ku leh shaqadda waan kaa eryayaa, ilayn
waa sabool iyo caadadiiye, tii alle ka teg, oo waxay caabudaan
qanjidhka quudhsiga ah, siddii eyggii, la odhan jirey "Balaqoo
baruur-taydaa", ee carrabka dheer afka ka soo walhin jirey, baa inta
ciidda loo dhigo ay leef-leefayaan, in alaale inta uu asakrigu ku xan
qarsado bay ugu horeeyaan Komishan ku sheego, oo waa kuwo aan alle ka
baqayn, ku mamay hantidda ummadda ee ay tuuga-nimadda iyo isku
dir-koodda loo adeegsado, ilayn wax-ba dhulka kama yaalaan, oo waa
ehelul xaaraame. waa kuwa ugu xun inta magaca dadnimadda sheegata, ee
ugu liiita kuwa uu hor kacaayo " Riyo-raac" Waxana ay shaqadoodu tahay
in ay is nacsiiyaan ummadda.
Muwaadin markuu sifaha Komishanku sidaa yihiin,
sidee baa loogu aaminayaa, masiirka ka soo bixi doona codaynta ummadda,
mar hadaanay dhex ka ahayn, oo aanay ilaahay ka baqayn, oy noqdeen
macaan jecel. Waxan ogayn Maxakamadda ku sheegta oo askarigu u yeedhiyo
go'aanka ay ku dhawaaqayaan, kamana hadli karaan, waxna kama bedeli
karaan oo waxay eeganayaan mushar-kooddda, mid-mid dhaama ma laha, oo
iyaan waxa loo soo akhriyo bay xukumaan. Musuq-maasaqii ka dhaqay Golaha
wakiiladda, guur-tidda oo ka badheedhay, oo iyaduna dhabarka ku haysa
askarta, ka gudoomiyaha Guurtidda ka ahina, uu yahay kii sidda caruuur
uu dhalay lahaa " Waar Saara Askar-taay" meesha maamul ma jiro, ee
Bak-teeriya isu urursatay baa wax ku dhiig miirata, ilaa Kuwa ay ku
sheegaan madaxdda booliiska, RRU-dda, Ciidanka Maleeshiyadda askarta(
Maaha ciidan qarane). wuxu-ba waa yey-ddii neefka mar qudha ku dikan
jirtey, oo toos ula soo saftay xaq-darradda maamulka askarta. Waxa la
yidhi, Ma Hungawdo daacadiye, xaqu kii galuu garan, beenta iyo wax is
daba-marin-tuna way soo gabaga-boobi, ummaduna xaqoodda way doonan, oo
nina u dayn maayaan, Qudhmiye-na isaga baa isku gawraci doona
gacantiisa. kuwani daacadnimo iyo illaah ka baq ka dheer, oo dulmi bay
ka doorteen ay illaah ka dhigtaan ( Kii risiqaayey) askarigan waalane.
Inaka oo og shakhsinima-doodda iyo waxay yihiin-ba, laba doorasho oo ay
qabteen, inta-ba wixii ka dhacay, midna oodda laga rogtay ( Waddani),
mid-na loo dhiibay mididda daab-keeddii. oo ay wax walba u fududeeyaan,
yidhaahaan waxad doonto samee, midna ay toban indhood oo cadhaysan lagu
eegaayo, wax ay u qabana-yaana ummadda ma jirto'e, yaan shicib-yahaw loo
fadhyin taas, waa habeenkii xalaye tegaye.
* N.B La Jiifi-yaana Banaan, La Jooji-yaana Banaan!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...