Qiso Dhab Ah, (1), Walaalkaa Dibindaabyee, Prof. Mohamed Ahmedfarah Mataan (Jaafaa)

0
Monday August 31, 2020 - 09:11:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Dhab Ah, (1), Walaalkaa Dibindaabyee, Prof. Mohamed Ahmedfarah Mataan (Jaafaa)

    Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)

Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu, dunida ka korarsadaan, khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta "taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in  aaney,dib danbe kuugu dhicin.



Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, WALAALKAA DIBIBINDAABYEE, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshuuna  u durbaan tumeneysey, dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas inta uu loolanka uu u dhaxeeyey waa laga waayay,  in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka yihiin  ha ahaatabe.

Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay "Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo "maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa, deyrta maanta ahe!”, iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay.

Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii, masuuliyadna kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay.


PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
KRISTIANSAND, NORWEY
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...