UNSOM iyo Siyaasadda Soomaalida...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

0
Sunday August 30, 2020 - 20:04:37 in Articles by
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNSOM iyo Siyaasadda Soomaalida...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    UNSOM iyo Siyaasadda Soomaalida...W/Q Axmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UNSOM iyo Siyaasadda Soomaalida...W/Q Axmed Xiis Dharbaan


Shalay Qaramada Midoobay ayaa sannad u kordhisay UNSOM in ay sii joogaan Somaaliya, maantana Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cabasho ka gudbisay UNSOM, haddaba maxaa meesha ka socda?

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting


UNSOM waa xafiis la sameeyey 2013 oo Soomaaliya ka dhigayey 'la-ilaaliye'. Waa xafiis shaqadiisu aysan waxbadan ka duwannayn shaqadii QM ay Koonfurta Soomaaliya ka haysay 1950 - 1960. Waa xafiis awood u leh in uu xogogaal u noqdo tallaaboyiinka DFS ama isaga la'aantii DFS maba qaadi karto tallaabo - waa sida aan ka fahmay qoraal uu hore u qoray Abukar Armaan.


Xafiiskan waxa dusha ka maamula waddanka Boqortooyada Ingiriiska, sidii Soomaaliya uu dhakada uga maamuli jiray Talyaanigu 1950 - 1960gii oo kale isaga oo wakiil Soomaalida uga ahaa QM.


Haddaba cabashada DFS ee ku wajahan UNSOM iyo qoraalkii Abukar ee ahaa Farmaajo waxa uu u janjeedhaa dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxa ka dhexeeye in M.ne Farmaajo yahay nin fahamsan siyaasadda guud ee caalamka, isla markaana uu ku tashaday in uu la jaanqaado mabaadiida Maraykanka. Waxa muuqda M.ne Farmaajo iyo Boqortooyada Ingiriisku inay dhabarka isu soo jeediyeen.


Dadka sida hoose ula socda siyaasadda Madaxweyne Taraam, ayaa sheega "cidda ay sida tooska isu diidan yihiin Taraam in ay yihiin Boqortooyada Ingiriiska" waa marka ay ka dhaqaaqayaan fadeexaddii la xidhiidhay "doorashadii 2016 ee uu kusoo baxay Taraam, oo warbaahinta loo galiyey, doorashadaas waxa gacan togaaleeyey Ruushka". Fadeexadaas ama warkaas ayaa kasoo baxay dhanka Ingiriiska. Steele Dossier ayaa la yidhaa fadeexadaas, waxana soo saaray Christopher Steele oo ah nin Ingiriis ah.


Fadeexadaas oo kaliya maaha, ee waxa jira xurguf hoose oo guun ah oo u dhaxaysa Maraykanka iyo Ingiriiska, inta badana Maraykanka waxa madax u noqda rag liqa xurguftaas oo aan waxba kasoo qaadin, hayeeshee mararka qaar Maraykanka waxa qabsada rag isku soo mutuxa Boqortooyada. M.ne Farmaajana waxa uu ka faa'idaysanaa xurguftaas, isaga oo u muuqda in uu ka mid yahay dadka rumaysan "Soomaalida waxa naanaabay Ingiriiska".


Haddaba su'aashu waxa ay tahay Soomaalida dariiqee u qodax yar labada daraf? Labada dariiq waa ay isku noqnoqdaan, hayeeshee, haddii dharaar cad la damco in la safro, labada wado kaas uu M.ne Farmaajo hadda haysto ayaa qocondho yar. Waa haddii uu Farmaajo yahay indheergarad, waana haddii uu kubbadda u dajiyo ciyaaryahanada Kismaayo iyo Kablalaxooda Garoowe.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...