Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Inantiisii Xabsiga La Dhigay Iyo Sababta Loo Xidhay

0
Friday April 19, 2019 - 22:58:18 in News by
  • Visits: 15496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Inantiisii Xabsiga La Dhigay Iyo Sababta Loo Xidhay

    Maxaa Keenay In Inanta Wasiirka La Xidho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Inanta Wasiirka La Xidho


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa dad gaadhaya sideed qof u xidhay hawl gal ay ciidamada amaanku ka sameeyeen deegaanka laga hirgelinayo madaxtooyada cusub.


Sida ay sheegayaan warar laga helay dadka loo xidhay inay ka horyimaadeen amar lagaga raray dhulka la dhisayo madaxtooyada cusub ayaa waxa ka mid ah Inan(Gabadh) uu dhalay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Image result for maxamed muuse diiriye




Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in Nasiim Maxamed Muuse oo uu dhalay wasiirka warfaafinta somaliland isla markaana ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala wasaarada Warfaafintu ay ka mid noqotay dadka ay ciidanku xidheen, iyada oo la sheegay in qaar ka mid ah eheladeeda oo goobta deganaa ay u tagtay.


Wasiirka warfaafinta somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo qayb ka mid ah eheladiisu ay ku doodayaan dhulka ay xukuumadu doonayso in laga hirgelinayo madaxtooyada cusub ayaan ilaa hada ka hadal talaabada xukuumadu ay xabsiga ku dhigtay dadka ay inantiisu ku jirto.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...