Sida Qof Somali Ah Oo Aragti Ahaan, Dhaqan Ahaan, Siyaasad Ahaan Iyo Aqoon Ahaan Xor Ah Lagu Helaa
Way Adkaan Doontaa Qarnigan 21aad !!!
" Geeska Africa iyo Somaliduba waxa uu noqday Gobol iyo umado la isku
dhex haysto oo aan iyagu is haysan , isla markaana aan dhaadanayn in la
isku dhex haysto "
Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah nolosha marka ay ummadi hor
mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay
ku gaadhaan hiigsigooda kuna xaqiijiyaan himiladooda.
Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la
galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri
kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka nolosha
dhabta ah ee ka turjumaysa waajibaadkii nololeed iyo waxii la inoo
abuurey.
Waxa somalidu qarniyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo
xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka
somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka
ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola in qofka la xoreeyaa baa
ka horeysa dhulka xoreyntiisa.
Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo
siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama
afartii kale ee soomaaliyeed e xiligan aynu ku jirno iyo qarnigii ugu
dambeeyeyba.
In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo
aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood;
Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi
karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka,
Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa iyo cidkasta oo dano
dhaqaale, qaar gudbin afkaareed, qaar siyaasadeed iyo qaar fidin
maamulba leh.
Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo
waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay sida aqoonta ,
diinta , dhaqaalaha la inagu caawiyo iwm, oo inaga oo aanu seeska
waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa
aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga
leh qarniyada soo socda , waxaana ay dhexdeena si dhib yar ugu
abuuranayaan dadkii ay rabeen.
Waxa kale oo aan doonayaa in aan xuso oo aan qarsooneyn mushkiladaha ,
colaadaha, dagaalada, argagixisada , budhcad badeeda iyo
dhibaatooyinka ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo
soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale
leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanaynu iska
garan ee aynu isku dhamaanay, inta nabada ahina uu dhex yaallo is faham
la'aan afkaaraha kala gedisan ee lagu raran yahay abuurtay.
Haddaba miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka
fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime
noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay qarniyada
dambe iyo 100ka sano ee socda?
Marka haddaba ay waxani oo dhami jiraan miyaanay inoo eekayn in aynu
maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku
ababinayno ubadkeena ina badali doona iyo aqoonta horumarka iyo
hiigsiga wanaagsan ee aynu rabnaa halka uu ka imanayo.
Muhiimadu waxa weeye In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina
anfacaya mooyaane waxii kale aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa
deegaanka aynu ku noolahay oo inooga faaiido iyo anfac roon tan aynu
maanta barano .
Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo
ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay
inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow maadaama halka ay u soo
socdaan ee lagu soo wada taamayaa tahay dalka hooyo.
Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo
hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan
qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha
dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood
isaga oo aan midna ku tiirsan.
Hadii aad dib taariikhda u yar raacdo xaga siyaasada Somaliland,
Somalia iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa iyo bariga Africa afkaarta
siyaasiyiinta iyo hogaanka dalalku waxa ay aaminsan yihiin way kala fog
yihiin, khilaafkuna marba marka ka dambaysa ayuu sii badanayaa oo soo
kordhayaa ,
Sababtuna wax kale maaha e waxa aynu noqonay umad masiirkeegii
taladeedii iyo go'aanadeedii dawlado kale iyo dalal kale soo gaadhaan oo
qoloba halka ay doonto ee aad u nugushahay kuu soo mariso , qaar diinta
kuu soo dhex mariya, qaar mucaawimooyinka iyo waxan loo yaqaan
gargaarka aadamiga kuu soo dhex mariya iyo qaar aqoon iyo tacab ay dad
gashadeen kuu soo dhex mariyaba , markaa waxa aynu noqonay umad la isku
dhex haysto oo aan iyadu is haysan, isla markaana aan dhaadanayn in la
isku dhex haysto.
Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee
ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog
leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo
siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi maalin
dirir iwm ah .
Muxamed Cabdi Jaamac
Muxamed Dhimbiil
Mob : +252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...