Waayihii Dalmar

0
Sunday August 30, 2020 - 15:42:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayihii Dalmar

    W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin.

Nin dalmar ah oo dhul badan maray ayaa dalkiisii ku noqday ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa. Magaaladii uu ku noolaa ayaa aad loogu soo dhoweeyay.

 

Soo dhoweyntiina aad buu ugu riyaaqay. Waxaanuu bilaabay inuu dadkii magaalada uga sheekeeyo wuxuu soo arkay iyo waayihii soo maray.



"Nimaan dhul marini dhaayo la’,” ayuu sheekadiisii ku bilaabay, Dalmar isagoo tookh ku jiro codkiisa, "lixda qaaradood ee aduunkaba waan isaga gooshay:


Afrika, Urub, Aasia, Ameerikada Waqooyi, Ameerikada Koonfureed, Ustreelia. Jabaan iyo cadeed ka soo baxa ayaan ka wareegay, Hawaayi iyo halkay ka dhacdona waan tegay, Dad nooc walba waan soo arkay:


madow, maariin, casaan, cawl, caddaan, gaagaab, dhaadheer, indhweyn, indhayar, "Yuug iyo Yamanyuug ma maqasheen? Ayuu weydiiyay dhegaysteyaashii Waxay ugu jawaabeen, "Haa, Waanu maqalay, ” "Yuug iyo Yamaanyuug waan arkay, ayuu ku yidhi.

 

"I been to Antwap and Radhadham, I dok on Marsay and Mumbay, Shikago and Shanghai,

 I sail round the Kayb and Canada. I been all obar the wald, yang man !!”


Ayuu yidhi Dalmar inta uu is ilaaway oo af Ingriisi ku hadlay. "Waa maxay waxaad af Ingriisiga ku sheegtay?” Ayay dadkii dhegaysanayay weydiiyeen. "Ilayn nin badweyn ku raagaan ahay, raali ahaada waan yara muquurtee, ayuu yidhi.


"Goormay kuugu darayd socdaalada, sideese uga baxday?”

 

Ayaa nin weydiiyay, "Aaaah!” Ayuu isla markiiba yidhi, "Maalintaas ma maalin baa la mid ahayd. Maalintaas oo kale hore iima soo marin, Intuu in yar aamusay ayuu raaciyay, "Waxanu galay dhulka Yuugga iyo Yamanyuugga, Goor barqo ah ayaanu magaaladii u dhaadhacnay, Waxanu ku beeganay fagaari weyn oo tartan ciyaareed ka socdo.

 

 Fagaarihii ayaanu ku baydhnay, Markaanu dadkii dhexgalay ayaa la yidhi ka soo qaybgala tartanka, Waa la ordayaa, waa la boodayaa, waa legdamayaa, waa feedhtamyaa, waran baa la turayaa, dhagax culus baa la tuurayaa, culays baa la qaadayaa.


Ha sheegin wax meesha ciyaar ka socota!

 Lama tirin karayn.

 

"Ma ka qayb gashay tartankii?” Ayaa la weydiiyay, "Horta markii hore waan yara hakaday, ilayn nin tartamo ciyaareed loo carbiyay maan ahayne, Ciyaaraha inaan guudkaas ka daawado mooyaane, hore uga ma qayb qaadan.


Talaa igu cadaatay, Markaan se cabaar isla shawray,  waan calool adaygay, oo waan ka qayb galay.”

 

 

"Kuwee ayaad ka qayb gashay?” Ayaa la weydiiyay. "Dee ilayn waan calool adaygee, mid aanan ka qayb gelini ma jirto, ayuu si dhakhso ah u yidhi "waxan ka qayb galay orodkii, boodadii, legdintii, feedhkii, tuuryadii, iyo dhamaan kuwii kaleba.

 

"Maxaad guulo ka soo hoysay?” Ayaa nin ku yidhi. "Mid aanan guul ka soo hoynin ma jirin, ayuu ku jawaabay.

"Ma dhamaantoodba?” Ayaa loo celiyay, "Haa, dhamaantoodba, ayuu si degdeg ah u yidhi, isaga oo aan dareensanayn inuu faanayo, wuxu sheegayaana suurtogal ahayn "weliba mid walba waxan ku guulaystay boqolkiiba shan iyo todobaatan in ka badan!!!”

 

Nin dadkii dhegaysanayay ayaa ku yidhi, "Bal guulahaa mar labaad maad noogu celin si anana aanu uga mabsuudno?”

 

Wuxu ugu jaawbay, "Libin wakhti iyo waayo ka soo wareegay, laguma celin karo, ee sheekada ku raaxaysta !!!”

 

 

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...