"Somaliland Iyada Oo Na Laysay Hadana Dantayada Ayaanu Ka Dhex Aragnaa Oo Meelna Ku Doorsan Mayno"…Proff Cali Khaliif

0
Friday April 19, 2019 - 22:37:24 in News by
  • Visits: 3417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Iyada Oo Na Laysay Hadana Dantayada Ayaanu Ka Dhex Aragnaa Oo Meelna Ku Doorsan Mayno"…Proff Cali Khaliif

    "Somaliland Iyada Oo Na Laysay Hadana Dantayada Ayaanu Ka Dhex Aragnaa Oo Meelna Ku Doorsan Mayno"…Proff Cali Khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland Iyada Oo Na Laysay Hadana Dantayada Ayaanu Ka Dhex Aragnaa Oo Meelna Ku Doorsan Mayno"…Proff Cali Khaliif


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha Khaatumo Proff Cali Khaliif Galaydh ayaa mar kale ka hadlay heshiiskii ka dhacay magaalada Caynabo ee u dhaxeeyey Khaatumo iyo Soomaliland.


Proff Cali Khaliif oo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Burco ayaa sheegay in xukuumada somaliland ee wakhtigan looga fadhiyo inay fuliso heshhiiskii ay hore ula saxeexdeen somaliland.

Image result for cali khaliif galaydh


Proff Cali Khaliif ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay "Waayadan waad maqlayseen in qolyo khaatumo ah iyo qolyo guddi somaliland ah oo wasiiro u badan uu wada hadal u socday, arimo culculusna waa ka wada hadalnay iyada oo ay jiraan qaar aanu heshiis ku gaadhnay,waxaana jiray heshiis aanu ku saxeexnay Caynaba 20 October 2017, kaas oo madaxweyne Siilaanyo saxeexay aniguna aan saxeexay baarlamaankuna ansixiyey.”


Proff Cali Khaliif ayaa ka hadlay hirgelinta heshiiskii hore u dhexmaray somaliland iyo Khaatumo "Hadaba dimuqraadiyadeena iyo isxukunkeenu waaba inagu cusub yahay waana laga yaabaa in hawsha sidaas u dhacday ee madaxweyne saxeexay oo baarlamaanku ansixiyey in loo qaadanayo toos oo la hirgelinayo balse ma dhicin iyada oo labada madaxweyne ee la kala wareegay heshiisku ay xisbiga Kulmiye ahaayeen, waxay noqotay in hadana hawshaas oo culus darteed waxay dhabtu tahay in siyaasadu ay marmar sakal gasho bal markaa in siyaabo kale oo wax lagu xaliyo la raadiyaa, markaa waxaan is idhi armaa tabliiq siyaasi ahi wax soo kordhin karaan oo dadka shacabka ah ee somaliland oo arimahani khuseeyaan armay fiican tahay inay war ka hayaan.”


Sidoo kale Proff Cali Khaliif ayaa sheegay inaanu jirin mansab uu somaliland ka doonayaa waxaanu yidhi "Anigu Cali ahaan mansab aan somaliland iyo soomaaliya ka rabaa ma jiro, dhaqaale aan ka rabaana ma jiro laakiin waxa ii muuqata in somaliland iyo hogaamiyaha maanta jooga haddi aanay ka fiirsan arimaha gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Boorama oo darafyada ah wax aynu xamar nidhaahno waan ula doodaynaa oo laynaga dhagaysanayaa ma jirto.”


Proff Cali Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in somaliland ay dagaal dad ku dhinteen ka gaysatay deegaanada Khaatumo waxaanu yidhi "Waa nala laayey soo maaha, waar somaliland waa na laysay iyaga oo qabaa’il ah iyo ciidamo ahba oo hubkii somaliland ayey magaalooyinkayaga ku soo galeen, waar anaga ayaan ku haysan maxaad noo layseen balse anaga ayaa rabna somaliland oo dantayada ka aragna meel kale oo aanu ku doorsanaynaana ma jirto.”

Image result for cali khaliif galaydh

Ugu dambayn Proff Cali Khaliif ayaa hadalkiisa ku soo xidhay "Haddii dhag loo dhigi waayo xitaa haddii aan anigu iska dhoofo oo aan iska tacabiro, waxa la yidhaa rayi wakhtigiisa yimid wax is hortaagi karaa ma jiro, waan ogahay oo fule xantiisa ma moogee cida odhanaysa Cali Khaliif yuu wataa dhulbahante lama socdee waa beentood, fikirka dadkayagu rabaan waxa weeyaan in aanaan somaliland iyo reer sheekh Isaxaaq marti uma noqonayno ee waxbaanu wada yeelanaynaa ama waxba iskuma nihin.”



Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...