Faaallo: Ugaas Cabdirashiid Maxaa Loo Rasaaseeyay?

0
Sunday August 30, 2020 - 09:38:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaallo: Ugaas Cabdirashiid Maxaa Loo Rasaaseeyay?

    W/Q: Cabiraxmaan calI Warsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabiraxmaan calI Warsame

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa khamiistii 27ka bishan August 2020 loo diiday inuu soo galo Somaliland, gaarahaan gobolka Awdal, iyada oo ciidanka qaranku rasaas kala hortagay dhallinyar ku soo dhawaynaysay tuulada Gorayo-cawl, halkaasna ay dad ku dhaawacmeen.



Socdaalka Ugaas Cabdirashiid waxa la sheegay inuu salka ku hayay marti-qaad uu ka helay dhallinyarta reer Awdal ee u ololaysa in wax ka baddel lagu sameeyo saami-qaybsiga Somali Land, waxase goor danbe la helay xogo sheegaya inuu kicin iyo fawdo dhallinkaro socdaalka ugaasku, sidaas awgeedna ay qasab tahay in loo diido inuu soo galo dalka.

 

Ugaas Cabdirashiid waa kuma?

Sida lga warqabo, Cabdirashiid waa nin qurbajoog ah oo muddo badan deganaan jiray dalka Canada. Waxa dhalay Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo magca ugaasnimada banneeyay 1985kii, balse dabadii may jirin cid loo caleemasaaray xilkaasi.

 

Sannadkii 2011kii ayuu Cabdirashiid dalka ku soo noqday , wuxaanu sheegay inuu Ugaaskii Gadabuursi yahay, haseyeeshee khilaaf xooggan kadib waxa la isku raacay inuu yahay Murashax Ugaas ilaa inta maqaam dhaqmeedkiisa lagu heshiinayo maadaama aysan jirin goor iyo goob lagu caleemasaaray, waxana arrintaasi ka odayeeyay golaha Guurtida Somaliland oo dajiyay murankii ka dhashay imaatinkiisa.

 

Sannadkii 2017kii ayuu mar labaad waddanka ku soo noqday wuxaanu ka qaybgalay shirwaynihii Gob ee lagu ayiday adkaynta iyo qarannimada Somali Land, waana arrinta keentay inay isku soo dhawaadaan isaga iyo salaadiinta waawayn ee gobollada Galbeedka Somali Land.

 

Socdaalkiisan u danbeeyay waxa si qaldan uga faa`iidaystay oo saacado yar ka hor xukuumadda ku diray taageerasha Suldaan Wabar oo ujeeddadoodu ahayd inay Somali Land iyo beelaha Samaroon isku dhuftaan, ugaaskuna uu si rasmi ah ula safto Suldaan Wabar oo ku dhawaad 5 sannadood duurka ugu jira burburinta Somali Land, waxna muuqata inay kooxdaasi ku guulaysatay ujeedadeedii marba haddii uu Ugaaskii dhammaa Qarankii Somali Land ku tilmaamay Jabhad dadkiisa xoog ku haysata, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu Ugaas Cabdirashiid marka horeba si dadban ula socday Suldaan Wabar.

 

Ragga ka shaqeeeyay bixitaankii Suldaan Wabar maantana iska horkeenay dawladda Somali Land iyo bulsho waynta Samaroon, waxa ka mid ah: Madaxwayne Xigeenkii hore ee Somali Land Cabdiraxmaan Awcali Faarax, guddoomiyaha Jaamicadda Camuud Prof. Saleebaan Axmad Guuleed, wasiiirka Ganacsiga Somali Land Maxamuud Xasan Sacad (Saajin). Markii ay digniinta u dhiibayeen madaxwayne Biixi kuna boorriyeen in Ugaas Cabdirashiid la celiyo waxa ay farriintooda u dhigeen hab muujinaya inay Somali Land u tudhayaan, haseyeeshee dib baa laga ogaaday inay jab la maaganaayeen xukuumadda Madaxwayne Biixi.

 

Qoyska reer Sacad Iiidle oo uu wasiir saajin ka dhashay ayaa muddo badanba lagu tuhunsanyahay inay si joogto ah u masruufaan Suldaan Wabar oo meel walba u maray sidii uu Somali LAND u Waxyeellayn lahaa. Waxyaabihii uu wasiir Saajin ku helay wasiirnimadana waxa ka mid ahaa inuu isagu soo afjari karo kacdoonka Suldaan WABAR. Haseyeeshee maanta waxa Somaliland dibadda ka jooga labo nin oo miisaan dhaqan leh oo labaduba caddaystay inay cadaw ku yihiin Somali Land, waa Ugaas Cabdirashiid iyo Suldaan Wabar. Shalay Arbacadii ayuu Suldaan WABAR bartiisa Facebook ga ku soo qoray in waxa qabsaday Ugaas Rashiid uu yahay wixii uu isagu ka baxay 4 sannnadood ka hor, waxanu wacad ku maray inuu barbartaaganyahay ugaaskiisa.

 

Ugaas Rashiid iyo Somali wayn

Dhacdadani u danbaysay ayaa daboolka ka qaadday xidiidh toos ah oo uu Ugaas Cabdirashiid la leeyahay dawladda Xamar, waxana la sheegay in Ugaasku madaxwayne Farmaajo socdaalkiisi u danbeeyay ee dalka Ethiopia bishii February kula kulmay, kana codsaday inuu gacan ka siiyo halgan uu sheegay in lagu xoraynayo gobollada Galbeedka Somali land.

 

Waxa kale oo uu Ugaas Rashiid madaxwayne Farmaajo ka codsaday inuu wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ka baddelo beesha Samaroon, waxaanu ku tilmaamay nin Somali Land Xidhiidh fiican la leh ,iskana indho- tira qaddiyadda Somaroon iyo dhaqdhaqaaqa lagu dhisayo maamul goboleed beesha Samaroon yeelato, haseyeeshee madaxwayne Farmaajo ayaa ugaaska u sheegay inuusan marnaba ka maarmayn wasiir Bayle oo cilmi iyo waayo aragnimo dheer u leh dhaqaalaha.

 

Ugaas Rashiid waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirkii hore ee SHAQADA Somali land mud. Maxamad Cabdillaahi Obsiiye oo la sheegay inuu isagu hunguraynayay jagada wasiirka maaliyadda Somaliya, maadaama uu ka soo shaqeeyay bangigii dhexe ee Somaliya.

 

Somali land maxaa la gudboon?

Muran Kuma jiro in dhacdada ugaaska lagu rasaaseeyay ay dhaawac iyo kalsooni darro ka dhex abuurayso qaranka iyo reer Awdal, waxana suuragal ah inuu sii xoogaysto dhaqdhaqaaqii Suldaan Wabar oo sii libdhayay. Sidaad awgeed xukuumadda waxa laga rabaa inay wadahadal la gasho oday dhaqmeedka Somalilanaderka ah ee beesha Samaroon, ee ay lexjecladu ka hayso qarannimada iyo wadajirka reer Somali Land, islamarkaana ay tabashoooyinkooda il qadarinleh ku eegto, si ay iyaguna u dejiyaan natiijooyinka ka dhalan kara Ugaaska la rasaaseeyay oo warxumo tashiilku uga faa`iidaysan karaan si qaldan una sawiri karaan godob dhaqan oo ugub ah.

 

 

 

W/Q: Cabiraxmaan calI Warsame

Freelance JournalIist

CA.USA

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...