Billaal Ibnu Rabaax Kumuu Ahaa Halkuuse Kasoo Jeeday?

0
Sunday August 30, 2020 - 09:26:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Billaal Ibnu Rabaax Kumuu Ahaa Halkuuse Kasoo Jeeday?

    W/Q:Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Hamse Riiraash

Billaal wuxuu ahaa nin taariikh weyn ku leh mujtamacaadka iyo bulshada muslimka,mujaahid usoo adkeystay dhib badan,wuxuuna ahaa eeddamihii khaaska ahaa ee rasuulkeenii suubanaa isaga oo lagu magacaabi jirey mu'adin dadka ugu yeedhayay sallaada iyo yeedhmada eebbaha weyne.

 

Ka hor islaamkana waxa uu ahaa nin addoon ka mid ahaa adoomadii dhulka carrabta iib ahaan loogu keeni jiray si loo adoonsado.

 

Kuwaas oo ay ku magacaabi jireen billaal xabash oo loo yiqaanay guud ahaan dadka madow iyo dadka kasoo jeeda geeska afrika.iyo dadka wata midabka maddowga .

 

Haddaba dad badan waxa ay aaminsanyihiin in uu ahaa xabashi. ama amxaara sidi najaashi oo kale.

 

Balse marka aad baadho waxaad ogaanasaa inuu billaal kasoo jeeday bulshada kushitiga kuwaas si guud ahaan oo la isku dhaho siidhamada ama oromada canfarta iyo soomalida.

 

sida ugu dhow ama loo badinayana ay tahay in uuna ka foggayn bulshada canfarta ah waayo billaal waxa la yidhi kalmada sh'ada ama shiinka muu kari jirin.

 

Ilaa imika bulshada canfarta ee ku nool ethiopia jabuuti iyo ereteriaba ma karaan shiinka am sh.

 

Ta kale kalmada rabaax waxa uu u dhowyahay canfarta iyo magacyadooda waana sababta loogu badiyo inuu aaggaa kasoo jeeday.

 

Si walbay ahaato billaal kam uu fogayn bulshada kushitiga gaar ahaan canfartaas.

 

Hamse Riiraash

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...