'' Maanta Oo Kale Dilkii Sayd Qudub ''.

0
Saturday August 29, 2020 - 09:40:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Maanta Oo Kale Dilkii Sayd Qudub ''.

    WQ: Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Axmed Nuur Guruje

Maanta oo kale 29-Ogost 1966 waxaa la daldalay Caalimkii faylasuufka ahaa ee Sayd Qudub ,kaasoo taliskii Jamaal Abdi naasir muddo dheer u xidhnaa .

 

Sayd Qudub oo baryaha qaar ay saaxiibo xoog isugu dhaw ahaan jireen Madaxwayne naasir waxaa laggu yidhi , sayd quduboow Gamaal wuu ku saamaxayaaye waydiiso cafis isna wuxuu kaga jawaabay '' Marka aan salaada tukanayo , faraha aan itixiyaadka Ilaahay dartii u fiiqo , Gamaal cafis ugu qoran maayo , hadii Gamaal igu dilayo xaq qisaastu dambigayga ha maydho , hadii uu xaqdaro igu dilayana isagu ilaahay hala hor taggo ''.sidaas ayaa laggu dilay Sayd qudub 3 sanno oo keliya ka dib 28-Sempter 1970 ayuu Jamaal

 

Cabdinaasir isna geeriyooday , ka dib markii uu wadne xanuun ka qaaday dagaalkii lixda cisho ee Yuhuudu ku burburisay ciidamadi Masar , dhul balaadhana kaga qabsatay .

 

Sayd qudub wuxuu ka tagay waxyaabo badan oo lagu xasuusan doono waqtiyo badan oo soo socda , waxaana ka mid ah , nashiidadiisi uu xabsiga ka dhex sameeyey ee uu lahaa ,

 

'' Walaalkayoow xor baad tahay adigoo xidhan ,

waxaanad xor ku dhex tahay xabsigga dhexdiisa ,

maadaama aad tahay mid xaq ku taagan ''.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...