Ha Ismoodin Keligaa Anba Kula Mid Baan Ahay

0
Saturday August 29, 2020 - 09:34:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ha Ismoodin Keligaa Anba Kula Mid Baan Ahay

    WQ: Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Axmed Nuur Guruje



Sanadka  2020 , Imitaxaanka shahaadigga ee dugsigga sarre weli kama ay qayb gelin degmadda aniga iyo Osman Omar dool aanu kasoo jeednaa ee saba-wanaag, hal ceel oo riiga oo biyo lagga cabaa kuma yaalo , jeel maxaabiista laggu xidho maleh , intaa waxaa u dheer ogaansho la aanta aan cidiba ka war haynin .

 

Degmadayda kale ee Cadaadley ee aanu kasoo jeedno aniga iyo saaxiibkay Najax aadan cunaaye , 1960 waxay ahayd Degmo xigeen u dhiganta Gabiley iyo Oodwayne  , degmo xigeentaas oo uu dhigmaysay degmo buuxdana waxaa siisay Boqortooyadii aan cadceedu ka dhici jirin ee Great Britain , maantana waa D oo ah degmo ku meel gaadha oo aan sharciyeysnayn , iyadoo ka hoosaysa heerkii ay joogtay 60 sanadood ka hor dhan kasta oo lagga eego  .

 

Sidaa labada degmo ee aanu kasoo jeednaa D u yihiin ayuun baana dhan kasta maanta dadkaygu D u yahay oo uu dhan walba uga habsaamay , hadii saaxiibkay Barkhad miidayaha ka ooyeyna , anaba duruufaha dadkayaga haysta habeen iyo maalin hoosta ayaanu kala ooyaynaa , saaxiibkay Barkhadna waxaan leeyahay , ha ismoodin keligaa amba kula mid baan ahay .

 

 

WQ: Axmed Nuur Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...