La Hubsayoo Gorayo Haad Bay Noqotay

0
Saturday August 29, 2020 - 09:27:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Hubsayoo Gorayo Haad Bay Noqotay

    Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuh.



Waxaa la yidhi ninkii Cigaal Shidaad ayaa habeen guureeyey sida aynu sheekada ku haynana Cigaal waxa uu ahaa Nin xikmaawi ah,laakiin lagu xanto fulaynimo waxaa la soo wariyaa inuu guurihii habeenimo la kulmay Kurtin habeenkii oo dhana uu hortaagnaa kurtinkaas,isagoo ka baqaaya moodayana bahal.

 

Hadaba markii uu waagii galalac yidhi ee bahal Iyo dad lakala gartay ayaa waxaa oday Cigaal u cadaatay in waxan uu caawo dhan hor taagnaa kana baqaayey aanu ahayn bahal ee uu yahay Kurtin. Cigaal Shidaad goobtaa iyada ah waxa uu ka yidh xikmad aan waligeed duugoobahayn waxa uu yidh( Kortin yahaw ma waxaan ku moodaayey mise waxaad noqotay waxaan ku moodaayey bahal mase aanad noqon waxaanse loo noqon doonin guure habeenimo oo danbe).

 

 Hadaba waxaan sheekada usoo qaatay markaynu eegno oday Muuse Biixi waxaynu moodaynay inuu noqon doono hogaamiye daacada kana run sheega balan qaadyadiisii iyo kitaabkii uu dhaarta xagaf kaga siiyey waxaanu moodaynay inuu noqon karo sida hogaamiyaha Ruwanda Mr Paul Kigama laakiin arinku sidaa waa uu noqon waayey dad badanina oo aan anigu ka mid ahaana way ku hungoobeen hankii ay u qabeen.Markaa saw arinku maaha waxaan loo noqon doonin doorasho danbe oo adiga iyo xisbigaagaba loo codeeyo.

 

( MAR IDAGE ALLE HA DAGO MAR LABAAD IDAGASE ANAA ISU DAGAY) HOG LAYGA QANIINAY KUSII HIRADKIISA KA HAARI AGTIISA AYAA KA HAGAAGSAN ) Markaa la hubsayoo Muse waa lagu hungoobay hogaamintiisii dadkuna waxa uu eeday fartoodii ay ugu codeeyeen.

 

Wabilaahi Tawfiiq 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...