Dal-Dhameeye ( Tix Jawaab U Ah Guray Cali).

0
Saturday August 29, 2020 - 09:23:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal-Dhameeye ( Tix Jawaab U Ah Guray Cali).

    * N.B Godob Hadalku Wuu Xun Yahay, Oo W aa Gef Aan Hadhine!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Godob Hadalku Wuu Xun Yahay, Oo W aa Gef Aan Hadhine!

        Waxan halkan ku soo gudbinayaa tix aan tiriyey oo jawaab u ah nin aan hoos ku soo sheegi doono, aniga oo raga hoos ku qoran aan ku hal qabsaday. Hadba waxan aan u soo qaatay maanta oo igu kelifay, in aan halkan ku soo qoro, Nin la yidhaaho Guray Cali oo qoray maqaal ( maaha gabay) aad u xasaasi ah, kaas oo uu ugu faanaayo, beel tolkii Isaaq ka ka mid ah ( Waa Garxajise), inuu ka uu ka soo jeedaa ka dhul weyn yahay, geesisan yihiin, ka badan yihiin si walbana uga wacan yihiin.

 

        Hadaba Guray Calaw, waa ugu horayne, Anigu Tolkay H.Jeclo ama beel kale-ba in aan ku aflagaa-dooddaa waa iga xaaraan iyo nijaas, mana soo marinaayo dibna-hayga ee kaw dheh, ta kalle waxan kuu sheegayaa, amaanta aad siisay H.jeclo ee aad tidhi wey yihiin, anna waa mid aan ku faanaayo, iyo garab xoog ah oo i barbar taagan, illaahna haw kordhiyo baan leeyahay xoog, tiro, wanaag, maskax intaba, ee tolkay kama makhruuqaayo, waayo waan la leeyahay waxa walaakay leeyahay-ba, sidaas oo ay tahay, hadaad adigu Ba'a Garxajis jeceshay, waa wax adiga kuu gaar ah, ogawse reerka H.jeclo kulama qabaan taase, ee alle ha ku daaweeyo waa xanuun kuu gaar ahe.  Halkan hoosena waxan kuugu soo qorayaa, tix ka hadlaysa masaaxadda uu Reerka Garxajis dego, iyo intuu dhul-kiisu ku fidsan yahay, haddii uu yar yahay iyo haduu badan yahay-ba, tiro ahaan iyo balaadh ahaanba, ee ku soo dhawaw:-

 

        Garta Eebaheen kugu galaday, ee gocatay laab-taadu,

        Gureyaw suugaan gabay adaa, geliyey diiwaane,

        Adigaa guubaabadda ridoo, hawsarkii ganaye,

        Godob hadalku lagama galo, oo waa gef aan hadhine,

        Kama gaab-sanine waxan lahaa, dhawrta gacal-kiine,

 

        Kol haddii an soo gallo murtidda, waan ku garansiine,

        Gu'yaal iyo gu'yaal baan lahaa, reerka isu geeye,

        Intaan goonidaw baxay ayaan, guulahaw idhiye.

        Gobta ururi iyo baan lahaa, gacal xigaaleede,

        Intaan gabay ka tiryaad ogayd, goob la joogaba'e.

 

        Waxan soo gudbiyey daallo iyo, guno walaaleede,

        Mana gawrinine waxay iga ahayd, garasho waayeele,

        Hadba geedka jaba waaniggii, kabayey goor roone,

        Gacalkii is diidaba waaniggii, gaadhka ka hayuunee,

        Marka ay gar diidaan waaniggii, kalla guraa-yuune,

 

        Gabalkiyo habeenkii waaniggii, faytay gunti-giiye,

        Saqdda dhexe gudoodiga waaniggii, keenay golahii,

        Waa taan hadhac gabood uga dhigiyo, damal galooleede,

        Gelin hore habeen tegay waaniggii, diiday gama'iiye,

        Waa tuu gibil-kaygu ciilkii ilmadda, oohin uu galaye,

 

        Waataan gogol ka dhaartiyo, hurdadda aan gabaanadaye,

        Guclo orod hayaankii markaan, gulufka heensaysay,

        Gadhkan iyo gadhkaa maalin-taan, buurta wadda geeyey,

        Gidigiinba soo shira markay, gooh la wadda reentay,

        Nimankii i gaasiray tol-yahaw, gees isaga leexshay,

 

        Ayuun buu i soo galay mar qudha, wiil garaad xumiye,

        Adna Guray Calaw gaaxdan hoo, waan gelbina-yaaye,

        Inkastoo Reer Isaaq geesinimo, cidi ku gaadhaynin,

        Ninba goobta lagu beego buu, gaadhka ka adkeeyne,

        Guushii mid keenoba waxan idhaa, guulaw mahadaaye,

        Intan gaar u leeyahay carradda, baan gedmana-hayne,

        Adigaa gefaye xoox ha dhamin, waa kan godol-kiiye.

 

        Galbeed-kaa burciyo gacan-libaax, go'o aroor-keedda,

        Tuunyo goodi-geediyo gudbi, intay simantay gaaroodi,

        Godka libi-sagaaliyo khaatumo, iyo intaa geelu miranaayo,

        Laan-mulaaxo, gocon-dhaale iyo, intay hara-digeed gaadho,

        Gobababkii waraabeeye iyo bisiqa, gacamaddii duruqsi,

 

        Aqaladay axmaaradu gubtiyo, illaa iridda gaashaamo,

        Banaanadda gudbane hawdka iyo,haro gar-duur gaadha,

        Ilamaa gar-loo-gubay soohdimaa, inagu gaadaaman,

        Alabla goonya-heediyo maqfuud, gumarti haadaame,

        Gubadaddii danood iyo rakaal, ee guunyo ku xarooto,

 

        Galool-goonel, raamaale iyo, garan-gartaa buuxdda,

        Gahaydhii masaariyo marsin, xodoyo gees-teedda,

        Gubato xil, qool-godara-yaashiyo, boodhley guri-geedda,

        Gubad-daalaco, xalxalis iyo, intaa gaydho lagu maallo,

        Gaankii yuflaha joogay iyo, ceeri( Ceerigaabo) garab-keedda,

 

        Gebi-yadda tabca laga galiyo maydh iyo, xeebta gudub taalla,

        Goga saaxil, sheekh,iyo jarato, intaa guban ka sii jeedda ,

        Gaafaha cadaaley, bender-wanaag, geliyadaa toonsan,

        Garanuule, Dhagxan-yacado iyo ilaa, faafan gobol-keedda,

        Uunka Gogoshaa ku nool, ee tiradda geedaha ka badan,

        Isagoo garaabaa ka roon Gurey Calaw, ruuxa gardiid ahiye.

        Dhulka maadha laga soo gurtee, laysu geli waayey,

        Gudahaa daroor iyo carigga , la iga soo gaado,

        Geyigaa tolkay daadsan yahay, sidda gabaaraydda,

        Markii aan u kuur gallay ayaan, gocasho ooyaaye,

        Kaalayoo is garabsadda ma damin, goor iyo ayaane.

 

        Galiilyadda jidh-kaygaa kurbadda, waa guduutaba'e,

        Waxa laygu gelayaana waa, guusha yey heline,

        Hadba geesi ii kacay ayaa, cadaw galaaftaaye,

        Gilgishoo is muujiya ayaan, gabay ku sheegaaye,

        Hangool laba-gadhle ah baan dadaw, garabka saaraaye,

 

        Marku galawgu qayshaan kacaa, oo gabano toosaane,

        Gurmadaay tiraabkaan idhay, igu guhaadshaane,

        Garan maysid waxaa kalla hayoo, cadhay la guuxaane.

       

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...