Ugaaska Guud Ee Beelaha Samaroon Oo Si Kulul Uga Jawaabay Falkii Dawlada Muuse Biixi Kula Kacday
Hargeysa(HWN):-Ugaaska guud ee beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa ka hadlay talaabadii ay xukuumada somaliland kaga hor istaagtay inuu gaadho magaalada Boorama.
Ugaas Cabdirashiid ayaa sheegay inuu ka xun yahay nidaamka loo maray iyo talaabada lagaga hor istaagay inuu gaadho magaalada Boorama isaga oo soo bandhigay qorshe cusub oo uu ka qaatay nidaamka dawladnimo ee ka jira somaliland.
Ugaas Cabdirashiid oo ka hadlaya socdaalkiisii Boorama ee la hakiyey ayaa waxa uu yidhi ""Waxaan ka soo tagay Magalada jigjiga aniga oo u socday oo aanaan in mudo ah is arag, markaan soo gaadhney deegaanka Goroyocawl ayaa isbaaro naloo dhigtay anagoo nabadgalyo ku socona,taas oo waliba shacabkii soo dhawayntayada diyaarka u ahaana hortayda lagu laayey iyadoo loo isticmaalayo xabado nool nool iyo barono.
Ugaas Cabdirashiid waxa kale oo uu sheegay inuu ka xun yahay rasaastii lala dhacay shacabka "Runtii waa arin aan aad iyo aad uga xumaadey in shacabkaygii nabad galyada u socday xabad lala dhaco.dadkaygow lahaystayaal Ayaad tihiin,waxaan idin leeyahay tolkayow midooba oo ka baxa tafaaruqa dhexdhiina lagu samaynaayo kana midooba dulmiga idin haysta.”
Ugaas Cabdirashiid ayaa sheegay inuu caalamka gaadhsiinayo dhib uu tilmaamay inay haysato shacabkiisa "Waxaa aniga iga go’an maanta laga bilaabo in aan caalamka ubandhigo dulmiga iyo dacadiga dadkayga lagu hayo,mana dhicidoonto in aniga magaladii aan udhashay iyo degaankaygii la iibaryo in aan soo gallo iyo inkale.
Sidoo kale Ugaaska ayaa ka waramay socdaaladii hore ee uu ku iman jiray magaalada Boorama "Anigu horey ayaan u imid halkan iyadoo xukuumado kale haystaan.waxaan ahay ugaas dhaqan oo nabadgalyo mana wato dhib iyo wax khalkhal galinaaya amniga.balse waxaan shegayaa in maanta dalka uu haysto ururkii SNM oo uu muuse biixi waxaas oo dhan ka dambeeyo,in naloo samaysto jid gooyo degaankaan udhalaney balse waa wax layskaga dambayn doono.
Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa sidaas kaga jawaabay wixii ka qabsaday deegaanka Goroyocawl oo ay xukuumada somaliland ku hor istaagtay.