Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Balan Uu Kaga Baxay Muuse Biixi Kana Waramay Ujeedada Safar Uu Boorama Ku Joogo

0
Friday August 28, 2020 - 18:20:23 in News by
  • Visits: 4277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Balan Uu Kaga Baxay Muuse Biixi Kana Waramay Ujeedada Safar Uu Boorama Ku Joogo

    Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Balan Uu Kaga Baxay Muuse Biixi Kana Waramay Ujeedada Safar Uu Boorama Ku Joogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Balan Uu Kaga Baxay Muuse Biixi Kana Waramay Ujeedada Safar Uu Boorama Ku Joogo

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay balan uu kaga baxay Muuse Biixi.

Gabay Laga Tiriyey Dagaalkii Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe Dhexmaray Iyo Hangaalka Faysal Oo - YouTube

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in hogaamiye Biixi ay isku ogaayeen in ugaaska guud ee beelaha samaroon uu dalka yimaado oo aan marna laga hor istaagin inuu safar ku yimaado magaalada Boorama.

Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay ujeedada socdaal uu ku tagay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Ugu horayn gudoomiyaha Ucid aoo ka hadlaya balantii ay isku ogaayeen hogaamiye Biixi ayaa waxa uu yidhi "Ugaaska guud ee Samaroon waxaan filayaa inay u yeedheen qoladii ka soo horjeeday saami qaybsiga, madaxweynahana waxaanu isku ogayn in ugaasku yimaado dadkuna way wada hadlaane martiqaadna loo sameeyo, fariin ayuu ii soo diray madaxweynuhu oo waxaanu isku ogayn in marka ugaasku yimaadana uu si odaynimo ah oo nabad galyo ah uu u hadlo oo aanu cidna raacin qolooyinka is haya.”

Ujeedada safar uu magaalada Boorama ku joogo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayuu sidoo kale faah faahiyey "Markii lay sheegay in ugaaska lagu hortaagan yahay Goroyo Cawl ayaan is idhi halkan iskaga kacoo adigaa u taliye yaaanay arintaasi dhibaato keenine aan gurmano, Booramana intaas ayaan u tagayaa.”

Loading...
Loading...