"Muuse Biixi Ma Madaxweynaa Mise Waa Askari Jooga Rugaha Booliska, Ugaas Cabdirashiid Sabab Loo Hor Istaagaa…"Marwo Ayaan

0
Friday August 28, 2020 - 18:00:22 in News by
  • Visits: 3529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Ma Madaxweynaa Mise Waa Askari Jooga Rugaha Booliska, Ugaas Cabdirashiid Sabab Loo Hor Istaagaa…"Marwo Ayaan

    "Muuse Biixi Ma Madaxweynaa Mise Waa Askari Jooga Rugaha Booliska, Ugaas Cabdirashiid Sabab Loo Hor Istaagaa…"Marwo Ayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Ma Madaxweynaa Mise Waa Askari Jooga Rugaha Booliska, Ugaas Cabdirashiid Sabab Loo Hor Istaagaa…"Marwo Ayaan


Hargeysa(HWN):-Marwo Ayaan Idiris oo ka mid ah qurba jooga gobolka Awdal ayaa ka hadashay talaabada xukuumada Muuse Biixi ay ku hor istaagtay in Ugaaska guud ee beelaha Samaroon uu yimaado magaalada Boorama.

Waraysi ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi ugaas Cabdirashiid - ARAABINEWS.COM | ARAABINEWS.COM


Marwo Ayaan oo la hadashay Hadhwanaagnews ayaa si adag u dhaliishay nidaamka loo maray in ugaaska guud ee beelaha Samaroon laga joojiyo magaalada Boorama iyada oo xustay in su,aali ka taagan tahay cida bixinaysa amarada guracan ee lagu dhibayo haldoorka shacabka somaliland.


Sidoo kale waxay sheegtay in Ugaaska guud ee beelaha Samaroon aanu socdaalkiisu la xidhiidhin arimo siyaasadeed balse si badheedh ah looga hor istaagay inuu shacabkiisa u yimaado.


Marwo Ayaan oo ugu horayn ka hadlaysa talaabadii somaliland lagaga celiyey Ugaas Cabdirashiid ayaa waxay tidhi "Waxaanu aragnay oo aanu la yaabanahay in dawlada somaliland madaxweynaha u taliya ee Muuse Biixi Cabdi la yidhaa ma waxa weeyaan madaxweyne mise waa askari jooga xeradii booliska oo islaanta iyo odayga dacwada qabaa amar ku bixiya in la xidho mise waa dawlad jirta oo qaran ah oo madaxweyne leh oo madaxweyne ku xigeen, wasiiro iyo baarlamaan leh.”


Marwo Ayaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raaciyey "Marka uu uu tobankii habeenimo wacayo badhasaabka ee uu leeyahay ugaaska beelaha Samaroon jooji ee uu amarka ku bixinayo in lays hortaago miyaanay ahayn inuu ka fikiro oo uu u yeedho madaxweyne ku xigeenka oo uu u yeedho wasiirada si uu ula tashado marka uu go’aanka saxda ah qaadan karayana uu wasiirka arimaha gudaha u sheego, wasiirkuna uu badhasaabka la xidhiidho amarkana siiyo.”


Sidoo kale Marwo Ayaan oo ka hadlaya qaabka loo celiyey Ugaas Cabdirashiid ayaa waxay tidhi "Sidee ayey ku dhici kartaa in Ugaas beeleed aan siyaasad shaqo ku lahayn oo dalkiisa iyo dadkiisa u imanaya inuu ka joojiyo, sidee ayaa somaliland loogu noolaanayaa oo ay sii jiri karta iyada oo Muuse Biixi ka talinayo”


Ugu dambayn Marwo Ayaan oo ka hadlaya hawlaha Ugaasku caanka ku yahay ayaa tidhi "Ugaasku dadkiisa makala jecla marka lagu jiro marxalad siyaasiya iyo mid caadiyaba mar kastana waxa uu ka shaqeeyaa heshiis iyo nabadayn balse marna xumaan kama shaqeeyo manay jirin sabab keenaysa in laga hor istaago inuu shacabkiisa u yimaado.”

Loading...
Loading...