Dawlada Turkiga Oo Qalabkii Ugu Badnaa Ee Ciidamada Ah Soo Gaadhsiisay Xukuumada Soomaaliya+Sawiro

0
Friday August 28, 2020 - 17:38:45 in News by
  • Visits: 3490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Qalabkii Ugu Badnaa Ee Ciidamada Ah Soo Gaadhsiisay Xukuumada Soomaaliya+Sawiro

    Dawlada Turkiga Oo Qalabkii Ugu Badnaa Ee Ciidamada Ah Soo Gaadhsiisay Xukuumada Soomaaliya+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Qalabkii Ugu Badnaa Ee Ciidamada Ah Soo Gaadhsiisay Xukuumada Soomaaliya+Sawiro

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa qalabkii ugu badnaa ee ciidamada ah kala wareegtay dalka Turkiga oo caawimo ahaan u soo gaadhsiiyey.

Sii-hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Maanta si rasmi ah loogu wareejiyey gaadiid gaashaaman oo dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho taasoo ay joobjoog ahaayeen Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Safiirka Turkiga u joogaa Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay gaadiid Gaashaaman oo ah nuuc casri ah.

Wasiirka iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidanka Xoogga dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay deeqdan ay wax weyn ka tareyso dib u dhiska ku socda ciidanka Xoogga dalka.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxiibka dhow la ah Somalia, waxaana uu Muqdisho ku leeyahay safaarad weyn iyo saldhig milateri oo lagu tababaro ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada ka wada gudaha dalka.

Loading...
Loading...