Nuxurka Laba Dhacdo Oo Muujinaya Heerka Qabyaaladu Ka Marayso Shakhsiyada Muuse Biixi

0
Friday August 28, 2020 - 16:45:33 in News by
  • Visits: 3151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Laba Dhacdo Oo Muujinaya Heerka Qabyaaladu Ka Marayso Shakhsiyada Muuse Biixi

    Nuxurka Laba Dhacdo Oo Muujinaya Heerka Qabyaaladu Ka Marayso Shakhsiyada Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Laba Dhacdo Oo Muujinaya Heerka Qabyaaladu Ka Marayso Shakhsiyada Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo lagu tilmaami shakhsiyad ay biyo dhigtay qabyaaladu isla markaana si xeel dheer u yaqaana guud ahaan beelaha somaliland dega ayey soo baxeen dhacdooyin cadaynaya heerka uu ka gaadhay qabyaalada.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Muuse Biixi oo tan iyo wakhtigii uu talada somaliland qabtay ay soo baxayeen dhawaaqyo qabyaaladeed oo aanay bulshadu jeclaysan ayeynu soo qaadan doonaa labadii hadal ee saamaynta ugu balaadhan ku dhex yeeshay shacabka.


Ka dib markii ay xukuumadu xabsiga ku hubsatay afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun waxa soo shaac baxay kalmado qabyaaladeed oo quudhsi iyo takoorid weyni ka muuqato oo ka soo afka Muuse Biixi.


Kalmadahan ayuu soo tabiyey abwaan Cabdiraxmaan Abees oo wakhti uu ka soo baxay xabsi ay dawladu dhigtay uu hogaamiye Muuse Biixi kula kulmay magaalada Boorama oo uu ka dhacayey shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.


Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo kalmadahan soo bandhigay bishii November ee sanadkii 2019 oo ku beegnayd markii la xidhay afhayeenka xisbiga Waddani, waxaanu hadalkii hogaamiye Muuse Biixi u dhignaa oo uu Cabdiraxmaan abees ku soo koobay qoraalkan:-


Arinka lagu xidhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga wadanni Anu dhaliilina maayo Taageerina maayo oo Maxkamadaha ayaa kala cadayn lakiin halkan waxaan ku soo bandhigayaa kulan aan Madaxwayane Muuse Biixi Boorama kula yeelanay xiligii shirwaynaha xisbiga kulmiye iyo wuxuu Madaxwaynuhu ka yidhi mar uu soo hadal qaaday Afhayeenka Xisbiga WAddani BARKHAD BATUUN .Muuse Biixi ayaa isaga oo la hadlaya dhaliinyar ka kooban shan qof oo aan ka mid ahaa yidhi: ( Aduunyadu inay is badashay C/Raxmaan Abees oo Reer samatar ah oo waliba reer Xaaji faarax ah ayaan xidhay midgaankii Barkhad Batuuna Habeen walba wuu I caayaa oo Waan xidhi kari laayahay. Xaaji faarax hadii intaa qabriga loogu sheego tollow muxuu odhan lahaa). Sidaa waxa u dhignaa hadalkii Mouse.


Sidoo kale abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa soo bandhigay kalmado muujinaya heerka ay qabyaaladu ka marayso Muuse Biixi kuwaas oo uu ku yidhi masuul ay deegaan ahaan is xigaan abwaanka.


Abwaan Siciid Gahayr ayaa qoraal uu ku shaaciyey weedhihii laga soo wariyey Hogaamiye Muuse Biixi waxa uu ku yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Oktoobar 2019kii nin aanu tol nahay ku yidhi "Buurtakalajeexan ma waxa ku yaalla baloodho ay Beceli leeyihiin oo laga haysto? Maxaa inankiinna ka galay dadka Dhulka isku haysta ee isku reerka ah?".


Waxa ay ahayd mar aan bannaanbax ku baaqay oo aan tegay Buurtakalajeexan sannadkii hore, kolkaas oo inta ciidan gawaadhi wataa igu soo baxeen aan cagaha wax ka deyay. Masuulka uu Madaxweynuhu la hadlay wuxuu ahaa nin xil ka hayay ciidanka booliska oo loo xil saaray in la i qabto. Balse aan ka dhuuntay..


Intiiinna aan Beceli garan karin waa: Ciidagale/Cabdi Ciise/Cabdibari/Beceli.. Bil ammmaara waa tolka aanu magta iyo qaadhaanka qoysnimo wada bixinno.


Loading...
Loading...