Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Sharciyo La Xidhiidha Ciidamada Qalabka Sida

0
Friday August 28, 2020 - 16:20:11 in News by
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Sharciyo La Xidhiidha Ciidamada Qalabka Sida

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Sharciyo La Xidhiidha Ciidamada Qalabka Sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Sharciyo La Xidhiidha Ciidamada Qalabka Sida

Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...