Raysal Wasaarihii Maali Iyo Xukuumadiisa Oo Is Wada Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

0
Friday April 19, 2019 - 17:37:07 in News by
  • Visits: 2016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarihii Maali Iyo Xukuumadiisa Oo Is Wada Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

    Raysal Wasaarihii Maali Iyo Xukuumadiisa Oo Is Wada Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Maali Iyo Xukuumadiisa Oo Is Wada Casilay Iyo Sababaha Ku Kalifay


Raysal wasaaraha dalka Maali iyo wasiiradii xukuumadiisa ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay umada u hayeen.


Iscasilaada raysal wasaaraha Maali Soumeylo Boubeye iyo xubnaha golihiisa wasiirada ayaa is casilaadooda ku sababeeyey ka dib markii ay sare u kaceen falalka amni daro ee ka dhaca dalkaasi.




Iscasilaada raysal wasaaraha Maali iyo xukuumadiisa ayaa waxa soo dedejiyey ka dib markii baarlamaanku ay gudbiyeen mooshin kalsoonida lagala noqonayo dawlada ka dib markii xildhibaano baarlamaanka ka tirsani sheegeen in dawladu ay tahli wayday wax ka qabashada xaalada amni ee ka jirta dalka Maali.


Madaxweynaha Maali Ibraahim Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada.


Waxaa uu sheegay in dhawaan lasoo magacaabi ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.


Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi.

 

Loading...
Loading...