Duqa Muqdisho Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Dhuusamareeb.

0
Friday August 28, 2020 - 09:55:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Dhuusamareeb.

    "waxaa kasoo baxay in la qabto doorasho dadbadan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaa kasoo baxay in la qabto doorasho dadbadan,"

Muqdisho (HWN) Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ah gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isla Markaasna ah Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay shirkii uu kaga qayb galay magaalada Dhuusamareeb qodobadii ka soo baxay.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshahoodu ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, hayeeshee go’aanadaas ay kasoo horjeesteen Madaxda Maamul goboleedyada shirka ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiye Cumar Filisha ayaa qiray in muddo badan laga wada hadlayay sidii Madaxda Dowlad goboleedyada looga dhaadhicin lahaa inay ogolaadaan inay dalka ka dhacdo dooaso qof iyo cod ah, hayeeshee ugu dambeyn ay iyagu tanaasuleen oo ay go’aankoda la qaateen Maamul Goboleedyada.

 

Shirkii Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada uga qabsoomay Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo baxay in la qabto doorasho dadbadan, iyada oo qodobada qaar ay shirkaasi kasoo baxay ay kasoo horjeesteen Maamulada Puntland & Jubbaland.


Loading...
Loading...